Hangoolnews.com
Akhri:- Inta Maalmood Ee Ay Soo Dhaaftay Qabsoomida Shirwaynaha Xisbiga Waddani iyo Mooganaanta Xaruntooda
April 19, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ayaa qorsheeyay in la qabto shirwaynaha xisbigooda 08/04/2019  oo laga joogo muddo 11 Maalmood ah.

Muddo dhaafkan ayaa noqonaya markii labaad, wallow aan wali cid ka  hadashay aanay jirin sababta keentay in wakhti dhaafka intaasi leegi yimaado.

Guddoomiyahii Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa  waddanka Finland.

Xoghayaha guud ee xisbigaasi oo iyo masuuliyiinta kale ayaan iyaguna ka hadal.

Xisbiga Waddani oo inta badan dhaleeceeya habsmi u socodka hawlaha doorashada ayaan isagu qaban shirwayanahiisa muddo dhaafka.

Gabagabadii Xarunta ayaan laga dareemayn wax dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan arrinkani

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News