Hangoolnews.com
Maxay dumarku u yihiin hubka qarsoon ee “argagixisada”?
April 17, 2019 - Written by Hangool News 1

Marka qof dumar ahi war argiggixiso tabinayso, had iyo jeer diiraddu waxa ay noqotaa doorkeeda ah in ay tahay dhibbane ama in ay gaashaan u tahay ka hortegidda khataraha.

Si ka duwan sidaas, dumarka ka qeyb qaata islamarkaana taageerra xagjirnimada, mararka qaar waxa ay noqdaan kuwa indha xiran, oo la iska indho tiro; arrinkan se wuxuu is baddalay kaddib markii ay Shamima Begum, kasoo baxsatay kooxda Daacish, islamarkaana sheegtay in ay u ahayd “Guri joogto” ugu xabisan xeryaha qaxootiga Syria.

Afar sano ka hor, Shamima, ayaa ka tagtay UK, iyada oo ay wehliyaan laba kamid ah saaxibbadeed, si ay ugu biiraan kooxda Daacish, balse muddo kaddib waxa ay caddeysay in ay ahayd aqal joogto, aan howl kale u qaban, sidaas oo jirta dowladda Ingiriiska ayaa kala noqotay jinsiyaddeeda, iyada oo lagu eedeynayo in ay argiggixiso ku biirtay.

Waxa ay u sheegtay Dowladda Ingiriiska, haddii ay kasoo noqoto argiggixisada, in si wanaagsan loolla dhaqmi doono, islamarkaana ay heli doonto taageero sharci ah, si ay racfaan uga qaadato go’aankii hore; haddaba qarka ayey u saaran tahay in ay taageero sharci ah ka hesho dowladda Ingiriiska si xayiraadda looga qaado.

Shamima Begum (MIDIG) waxay la socotaa saaxibadeed iskuulka, Amira Abase iyo Kadiza Sultana, garoonka Gatwick 2015Lahaanshaha sawirkaMET POLICE
Image captionShamima Begum (MIDIG) waxay la socotaa saaxibadeed iskuulka, Amira Abase iyo Kadiza Sultana, garoonka Gatwick 2015

Dumarka iyo Xagjirnimada.

Arrinta Begum, waxa ay soo shaacbixisay su’aalo fara badan kuwaas oo ku saabsan doorka dumarka iyo ka qeyb qadashada rabshadaha argiggixiso ee ay fuliyaan Daacish iyo kooxaha lamidka ah.

Tira koob uu sameeyay Mac-hadka daraasaadka Rusi ee fadhigiisu yahay Ingiriska ayaa lagu sheegay in 17% argiggixisada ka dagaalanta Afrika ay askareeyaan dumar, halka cilmi baarisyo kale oo ka madax banaanna ay sheegayaan 13% ajaanibta ka garab dagaallanta Daacish in ay yihiin dheddig ama dumar.

Daraasaadkan ayaa lagu baaray doorka dumarka ay ka ciyaraan ururrada argiggixisada ah sida Daacish iyo Shabaab, oo kamid ah kooxaha ugu halista badan argiggixisada Afrika.

Cilmi baarayaasha ayaa wareystay dumar horey uga tirsanaa kooxda Al-shabab, kuwaas oo si toos ah iyo si dadbanba ula soo shaqeeyay, si ay u ogaadaan qaabkii loo askareeyay oo ay ugu biireen kooxdan iyo raadka ka dumar ahaan ay ku lahaayeen ka qeyb qaadashada qalallaasaha xagjiriinta.

Cilmi baaristan waxaa fuliyay aqoonyahanno ka socda Kenya, kuwaas oo kaashanaya waaya aragnimadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin bulshada, waxa ayna shaaca ka qaadeen halista xagjirnimada.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

IS Iyo al-Shabab

Doorka ay dumarka u ciyaaraan labadan kooxood aad ayay u kala duwan yihiin.

Dumarka, Al-shabaab waxay u qabtaan shaqooyin iskaga badan kuwa asal ka ah, sida in ay xaasas u noqdaan dagaallamayaashooda, in ay caawiyaan xilliga dagaallada ama in ay mararka qaar u noqdaan, kana dhigtaan addoomo ay iska heystaan; sidoo kale waxa ay ka caawiyaan u soo jiididda xubnayaal cusub sida ku cad daraasad ay BBC sameysay.

Daraasad laga sameeyay gudaha Kenya waxa ay shaaca ka qaadday in dumarka lagu soo xero geliyo lacago balan qaad ah, shaqooyin, iyo in dhaqaalle ahaan la caawinayo; Tusaalle Hidaayo, ( Ma ahan magaceeda saxda ah) waxa ay ahayd dhar sameyso ka shaqeysata Kenya, waxa ay u talaabtay gobollada ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya, ka gadaal markii ay ku biirtay kooxda Alshabab, waxaana sababteeda lahaa mid kamid ah macaamiisheeda oo u balanqaaday in uu u maalgelin doono ganacsigeeda, islamarkaana uu siin doono lacag badan.

Daacish, badanaa dumarka waxa ay u ciidamiyaan qaab Online ah, si ay door fir fircoon uga qaataan faafinta fekerka kooxda.

Sida ay ugu biirtay Daacish Shamima begum waxa ay ahayd markii ay aragtay barabagaanddada kooxdaas ay ku sheeganayeen guulo ka badbadis ah, inkastoo sida ay sheegtay ay wax badan ku sugneyn Syria, iyada oo u naxeysa seygeeda iyo caruurteeda.

Dumarka ka barbar dagaallama Daacish waxaa loo oggolaadaa in ay noqdaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad, iyada oo la xaddidayo, halka kooxdu ay sidoo kale leeyihiin xoogag Boolis ah oo ka shaqeeya akhlaaqda dumarka.

Dhawaannahan, tan iyo.markii ay kooxdu lumisay dhulkii u badnaa ee Syria iyo Iraaq waxa ay bilaabeen ugaarsiga dumarka iyaga oo adeegsanaya caddadka hore ee wargeysyada afkooda ku hadla, gaar ahaan Alnaba, waxaana ay ugu yeeraan dumarka in ay ka qeyb qaataan waxa ay ugu yeraan Jihaadka, iyaga oo sii deynaya muuqaallo iyo fariimo lagu boorinayo dumarka

si kastaba ha ahaatee labada kooxod aad ayey u kala duwan yihiin isticmaalkooda dumarka, Soomaaliya, kooxda Alshabaab oo isku deyaysa hirgelinta ku dhaqanka shareecada sida ay ku andacoodaan ayaa Soomaaliya ka fuliya weerarro iyo qaraxyo khasaaro geysta, haddaba weerarradii ay Shabab geysteen intii u dhaxeysay 2007-2016, 5% kiiba waxaa ku lug lahaa dumar, sida ay xeeldheerayaashu sheegayaan

Si lamid ah kiiskan, qeybo kamid ah Afrika, gaar ahaan Nigeria, kooxda Boko Haram ayaa u isticmaasha dumarka bambaanooyinka iyo qaraxyada.

Sally-Anne JonesLahaanshaha sawirka.
Image captionSally-Anne Jones

Dumarku maxay ugu biiraan Kooxaha Jihaad doonka?

waxaa jira sababo badan oo ku riixa dumarka in ay ku biiraan kooxaha argiggixisada, darajooyin, badanaa waxa ay u muuqataa waxyaabaha dhiirageliya ragga in sidoo kale dumarkana ay dhiira geliyaan, waxaana kamid ah aaminnaadda xooggan ee mabdda’ iyo faa’iidooyin dhaqaalle.

Si kastaba ha ahaate qaababka ay kooxaha mayalka adag ku soo xera galiyaan dumarka waa ay badan yihiin:- tusaale in lagu celiyo doorkii dumarkii ee soo jireenka ahaa. Cilmi baarista aan sameynay waxey sheegeysaa in Al -Shabaab si gaar ah u beegsadaan dumarka, iyagoo u dareemaya cabsida nafsiyanka ah ee ka haysata waxbarashada iyo kuwa aaminsan in haddii ay waxbarasho aadaan ay taasi dib u dhigeyso guurkooda.

” Haddii aan helo nin i gursada, qaadi karana masuuliyadeyda, maxaan nafteyda ugu dhibayaa waxbarasho?” Gabar ardayad ka ah Jaamacadda Nairobi ayaa weydiisay, cilmibaarayaasha.

Dhanka kale dumarka qaar marka hore waxey ku soo jiitaan ballan qaadyo ay ka mid yihiin shaqo siin, lacag iyo iney siin doonaan fursado kale. Dumarka la wareystay qaar ka mid ah waxey sheegayaan, in ay ka shaqeeyaan, si aan ahayn waxey filayeen. Sida Shamina Begum, qaarkood waxey sheegayaan ineysan ka tirsaneyn kooxaha firfircoon ama ay u shaqeeyaan si aan ahayn waxey filayeen.

Qaarkood waxey sheegayaan iney yihiin dhibanayaal.

Waddooyinka dhaqan celinta, waxaa jira habab badan oo dhaqan celineed, oo lagu dabaqo dagaalyahanadii hore ee soo noqday, laakiin dumarku waa ku yaryihiin kuwa ka faa’iideysta.

Dadka dajiya siyaasadaha, hay’adaha ammaanku waa in ay qorshe ka lahaadaan dumarka kasoo noqonaya ururada xagjiriinta ah, haddey ahaan lahayd ka hortagga, dhaqan celinta iyo dhexgalkooda bulshada. Tusaale ahaan, qaar baa laga yaabaa in ay carruuri uga soo dhimatay, ama dagaalyahano ka maqanyihiin, halka qaar u baahan yihiin in loo sameeyo la talin iyo tiiraanyo bixin Kasoo gaartay kufsi loo geysanayo iyo galmo aysan raalli ka ahayn.

Aad bey ugu adagtahay dowladda marka ay la macaamileyso dumarka ku lugta leh falalka argagixisanimo. Waa in arrintaan laga billaabaa in si fiican loo fahmo, kala duwanaanshaha ku saleysan jinsiga, sida uu si gaar ah dumarka ugu saameyn karo noloshooda. Waxey arrintani faa’iido u tahay bulshada, waxeyna yareyneysaa heerka qatarta dumarka ee ah dumarku in ay ku biiraan kooxa xagjiriinta ah.

COMMENTS
Latest News