Hangoolnews.com
Akhri:- Wasiir Kale Oo La Filayo In Madaxwayne Muuse Biixi U Gudbiyo Warqadda Is-Casilaada Iyo Howlaha Uu Ku Sabeeyay
April 17, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi ayaa la filayaa in wasiir kale oo golahiisa ka mid ahi u gudbiyo is-casilaad.

Warar hoose oo uu helayo Hangoolnews ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Xaluumaysiga Somaliland Mudane  Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” la filayo inuu madaxwayne Biixi u gudbiyo warqad uu kaga dalbanayo shaqo ka tagis “Is-casilaad”

Sababaha ugu badan ee Wasiirku cuskaday ayaa ah in aanu wakhtigan waddi Karin howlaha wasaaradaasi doonayana in howlo caafimaad darteed xilkan ugu tago.

Wasiirka ayaa maaanta dalka dib ugu soo noqay ka dib markii howlo caafimaad uu u joogay dalka Turkiga oo muddo lagu dabiibayay

Talaabadani ayaa noqonaysa wasiirkii labaad ee madaxwayne Muuse Biixi u gudbiya is-casilaad taas oo uu hore ugu gudbiyay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Mudane Dr  Xasan Ismaaciil oo Madaxwaynahuna ka aqbalay.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News