Hangoolnews.com
Akhri/Daawo:- “Waxaanu Leenahay Cideena Sheer Ha Iskaga Darin Warshada Sifaynaysa Baatroolka Sal Iyo Raad Toona Ma Lahee” Xisbiga Ucid
April 17, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xisbiga Ucid ayaa qaylo dhaan xooggan ka muujiyay warshad la sheegay inay safaynayso Baatroolka taas oo laga dhagax dhigay magaalada Barbara todobaadkan gudihiisa,

Waxaana xisbiga Ucid uu sheegay in aan waxba lagu darsan warshadaasi tahayna mid aan sal iyo raad toona lahayn

Waxaa ayaan darro ah oo aan Ummadda reer Somaliland  dareensiinayaa mashaariicdii ka soo bixi lahayd ama shirkaddaasi qaabkii ay shaqadda u badashay in aan loo sinnayn, siddaasi waxaa yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga Ucid Maxamuud Saleebaan Cali “Ramaax” isagoo haddalkiisa sii watana waxaa uu sheegay in mashaariicdaasi la soo marin Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxaanu sheegay in mashaariicdaasi dadka la siiyay aanay xafiis ku lahayn magaalada Barbara,

Warshadda la leeyahayBaatroolbay sifaynaysaa ina-goon Gaas soo saarin oo aan baatrool soo saarin, shirkadda ku qorana qof waliba dib ha u milicsado, waxaanad ka helaysaa Googalka markaad magaceeda galiso waxaanad arkaysaa xiligii la aasaasay iyo waxaa ay qabato.

Waxaanu Leenahay Cideena Sheer Ha Iskaga Darin Waa La Waayi Doonaa Waxaasi Sal Iyo Raad Toona Ma Leh”siddaasi waxaa yidhi Xoghayaha arrimaha xisbiga Ucid Maxamuud Saleebaan Cali “Ramaax”

Xisbiga Ucid ayaa walaac xoogan ka muujiyay warshadaasi la sheegay in ay sifaynayso Baatroolka.

Halkan ka Daawo:- “minet-ka 02:40”

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News