Hangoolnews.com
Xisbiga WADDANI Oo Si Adag U Dhalliilay Madaxweyne Biixi
April 16, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan madaxtooyada xukuumaddu sheegtay in la dhisayo iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

Afhayeenku wuxuu sheegay in hannaanka dimuqraaddyadda oo ah waxa ugu weyn ee Somaliland Dunida ka iibinaysay meesha ka sii baxayso “Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayaynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeen Barkhad.

Waxa uu intaasi raaciyay mawqifka xisbiga ee Komishanka “Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay.”

Afhayeenka xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay qoysas sheegay in xoog lagaga qaaday dhul laga dhisayo madaxtooyo xukuumaddu sheegtay in laga dhisayo duleedka Galbeed ee Hargeysa “Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad Qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si Qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda Qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna,” sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad.

Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay dejiso siyaasad isu dheelli tiraysa hoos u dhacay ku yimid Doollarka iyo Sicir bararka oo wali taaggan “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira,”

Halkan ka Daawo:-

COMMENTS
Latest News