Hangoolnews.com
Akhri:- Xukumadda Somaliland Oo Gubaysa Lacag Badan Nooca Ay Tahay Iyo Sababta Loo Gubayo
April 16, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Xukumadda Somaliland ayaa  gubaysa lacagtii ugu badnayd abid taas oo iskug jirta noocyada Noodhadhka kala duwan ee shilinka Somaliland marka laga reebo shanta kun, kunka shilin iyo boqolka shilin ee aan ahayn waxii duuga ama aan la isticmaali Karin,

Gubista lacagtan ayaa  sidda xoggo hoose ay Hangoolnews u xaqiijiyeen waxaa lagu sababeeyay in baananka dalka ay culays ba,an ku hayaan oo ay buux dhaafiyeen naacyada lacagaha aan la istictaalin ee dalka kuwaas oo ay ka mid yihiin shan shilin, toban shilin, labaatan shilin, konton shilin iyo shilinka laftiisii

Talaabadan ama qorshan uu waddo baanka dhexe ee dalku ayaa la filayaa in ay fuliyaan dhawaan.

Dhinaca kale ma jirto sidda Hangoolnews xoggtu u sheegtay wax kale oo xal ah oo loo hayo lacagtaasi aan la isticmaalin muddada dheer ee duugoowday baananka dalka,

Ma jiro wali wax war ah oo arrinkan soo if baxay ku saabsan oo Baanka dhexe shaaciyay.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News