Hangoolnews.com
Akhri:- Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda Muuse Biixi Oo Wareegto Kaligii Wasaarad Ku Dhex Fadhiya Iyo Madaxwaynaha Oon Cid Kale Magacaabin
April 16, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu dhawaan xilkii wasiir-nimo iyo agaasimahiisii guud-ba si wadda jira ugu qaaday wasiirkii hore ee gaashaan-dhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar iyo Agaasimahiisii Guud.

Madaxwayne Biixi ayaa waxaa uu wasaaraddaasi wasiir ugu dhigay wasiirkii hore ee Caddaalada Cabdiqani Caateeye Fariid,

Marka laga yimaado wasiir Caateeye wasaraddu ma laha Wasiir-ku xigeen, Agaasime guud iyo masuul kale oo xeer madaxwayne ku jooga midna waxaana wasaaradii gaashaan-dhiga ku kaliyaystay oo qudha Wasiirkan cusub.

Lama ogo iyadoo wasaaraddani ay ka mid tahay wasaaraddaha ugu mihiimsan qaranka in Madaxwayne Biixi buuxin kari waayo boosaskani kuna cidleeyo wasiirkan ku cusub shaqada difaaca qaranka.

Dhinaca kale wasiirkan ayaa tabaya masuuliyiintii uu la tashan lahaa,

marka laga reebo shaqaalaha iyo waaxyaha wasaaradda oon Wareegto Madaxwayne ahayn

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News