Hangoolnews.com
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Madaxda Shirkadda DP-World.
April 15, 2019 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

Madaxweyne Deni oo ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo dar-dargelinta arrimaha maalgashiga ayaa balanqaaday in Xukuumadda cusub ee Puntland samayndoonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

COMMENTS
Latest News