Hangoolnews.com
Akhri:- Sababta Ugu Wayn Ee Keentay Isku Shaandhayntii Madaxwayne Biixi Ee Maanta Iyo Wasiirka Kaliye Ee Bartilmaameedka Ahaa
April 14, 2019 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn uu sameeyay maanta waxa uu xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa sababta xil ka qaadistiisa waxa loo aanaynayaa in uu ka qayb galay kulan ballaadhan oo uu dhawaan magaalada ku qabtay Prof. Axmed Ismaaciil Samater.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa kulan kaasi waxa uu ku dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo soo bandhigay tallooyin uu siiyay wakhtiga ololaha oo uu cidla kaga tagay Muuse Biixi markii uu ku guulaystay tallada dalka ee loo doortay Madaxweynaha Somaliland.

Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa waxa la ogsoon-yahay  in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu door muhiim ah ku lahaa magacaabistiisa iyo in loo magacaabo wasaaradda uu wasiirka ka ahaa.

Si kastaba ha ahaate wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa mas’uuliyiinta aan inta si toos ka ah ugu dhex jirin arrimaha siyaasadda balse ku kooban wasaaraddiisa iyo shaqada uu qaranka u hayo,

Waxaase kaliya oo ay ku waafaqsan yihiin dadka siyaasadda  indha indheeyaa in xil ka qaadistii iyo magacaabistii maanta ay daaranayd oo kaliya dareen didmo oo madaxtooyada Somaliland ka qaaday kulankaasi uu ka qayb galay wasiirkii hore ee Qorshayntu.

 

 

COMMENTS
Latest News