Hangoolnews.com
Walaac Laga Qabo Isbedelka Ku Yimaada Xeerka Dawladaha Hoose
April 9, 2019 - Written by Hangool News 1

Hargeysa (Hangool-News):- Madaxtooyadda Somaliland ayaa golaha Wakiillada usoo gudbisay xeerka is maamulka degmooyinka iyo gobolada, kaasi oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku samaysay. Xeerkan ayaa shalay loo qaybiyay golaha Wakiillada si ay u soo akhristaan kadibna ugu doodaan ansixintiisa.

Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha wakiillada xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo xeerkaas tafaasiil ka bixinayay ayaa yidhi

“Sida la idiin qaybiyey waxay guddida arrimaha guduhu beryahanba gacanta ku haysay ka shaqaynaysay xeerka ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka oo ay xukuumaddu golahan usoo gudbisay , oo runtii xeer muhiim ah u baahan in si taxadir leh waayeel-nimo ku jirto goluhu uu aad u eego xildhibaan kastaan masuuliyadda gaar ah iska saaro .”Ayuu yidhi

Waxa kale oo uu xildhibaanka akhriyey qodobka 18-aad ee xeerkaas oo wax ka bedel lagu sameeyey, isagoo bar-bar dhiga markii hore sida uu ahaa iyo hadda waxa laga bedelay “qodobka 18-aad oo hadda noqonaya Qodobka 22-aad goleyaasha Degmooyinka, kalmada Dowlada hoose waxa lagu bedelay degmooyinka, kelmada caasimadda Hargeysa waxa lagu bedelay degmada Hargeysa waxaana loogu daray erayga A+ oo ka dambaynaya degmada Hargeysa , tirada xildhibaanada derejada A+ wuxuu hore u ahaa 25 Xildhibaan , degmooyinka derejada A wuxuu hore u ahaa 21 Mudane , degmooyinka derajada B wuxuu hore u ahaa 17 mudane , degmooyinka derajada C wuxuu u ahaa 13 mudane degmooyinka derajada D wuxuu hore u ahaa 9 Mudane .”

Dhanka kale Xildhibaan Cabdilaahi ayaa sheegay xeerkan inuu yaranayo tirada xubnaha golayaasha deegaanka dalka , iyadoo loo eegay derejada degmooyinka “Wuxuu u dhigmayaa oo loo bedelay sidan, tirada xubnaha goleyaasha, goleyaasha degmooyinka waxay ku salaysan yihiin derejooyinka oo kale ah degmada Hargeysa A+ 15 xubin gole deegaan oo council loogu yeedhayo , degmooyinka derajada A waxay noqonayaa 11 xubin gole deegaan , degmooyinka derajada B waxay noqonayaan 9 xubin gole deegaan , degmooyinka derejada C waxay noqonayaan 7 xubin gole deegaan, degmooyinka derejada D waxay noqonayaan 5 xubin gole deegaan , waxaanay degmooyinkaa D yeelanaya golayaal deegaan marka ay golayaashu ansixiyaan

Geesta kalena garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa sheegay in xeerka ay Madaxtooyaddu u gudbisay golaha wakiillada uu ku jiro muddo kordhin loo samaynayo goleyaasha deegaanka dalka ee wakhtigoodii dhammaaday

“Golaha wakiillada Somaliland saaka waxa loo qaybiyay wax ka bedelka xeerka is maamulka degmooyinka iyo gobollada soo jeedintii ay samaysay guddida arrimaha gudaha ee goluhu waxay akhriyeen sababaha xeerkan loogu samaynayo is bedelka waxa kaw ka ah in muddo kordhin loo sameeyo goleyaasha deegaanka dalka haddii doorasho qabsoomi weydo in kastoon laga doodin wax ka bedelka xeerkan hadana hadiiba sidaa lagu ansixiyo waa walaac hor leh oo curyaamin doonta doorashooyinki Somaliland oo noqon doona kuwo u dabran mudo korodhsiimo walow aanu dastuurku oggolayn in gole deegaan loo kordhiyo.”

Isagoo intaasi ku daray Garyaqaanku “Arrinta kale ee walaaca leh waxay tahay hadiiba sidan lagu ansixiyo muddo kordhin miyaa loo samaynaya kuwan uu wakhtigii ka dhammaaday mise kuwa ka danbeeya ayaa lagu dabaqayaa waxaan qaba in xukuumadu Rabto in laga dhigo Retro active mid hada kuwan lagu bilaabo rather then retro active .”Ayuu ku yidhi Qoraalkiisa Garyaqaan Mubaarik

Source: Wargeyska Waaberi

COMMENTS
Latest News