Hangoolnews.com
MAANSADA: FAALO 07/04 /2019 Waxaa Curiyay Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf
April 9, 2019 - Written by Hangool News 1

Maansadani waxay Ka hadlaysaa is badalada dhanka fikirka iyo nolosha ee bulshada iyo wacyiga rasmiga ee wakhtigan jira waxa curiyey Mubaarik Cabdi Yuusuf. Waxaanay Ku bilaabmaysaa sidan. Fallaga meeriyo abbaarta Fasalka waaga dadkiisa Fahamkiyo garashadooda Farqiga is bedelku muuqda Hadaan falaqayno yaabka U fiirsada xaaladiisa, Hidiyo dhaqankeena fiican Kaw feejigan baan yasnaa Fariimaha gaaladana Ka faafinayaan bidnaa Dadkana kii fara wanaaga Fartaa lagu wada godaa Fidmada kii beerayana Fariid baa loo arkaa Ruuxii dadka fiiro dheer Falaagaa loo yaqaan Mid aan ku filnayn waxbana Fagaaraan joojinaa Waddanigii feejignaa Fulaa lagu sheegayaa Ma dhaadaha foorarana Halyey baa loo fishaa Sharciga kii fulin lahaa Laaluush baa loo fidshaa Cadaalada kii fallana Dadkeenii kuma farxaan Ninkii faraqiisu buuxo Markhaataa loo furaa Faqiir aan xoolo haysan Gartaa lagu foorarshaa Dulmiyo kii fala qabyaalad Dadkaaw wada fooladeeya Ninkii ka fogaada eexna Intaw xigta baa faquuqda Xumaanta ninkii faqfaqa Ayey dadku faaniyaan Ninkii fidmo baajiyana Ficil laawuu noqdaa Waxaan la filaynin iyo Fallaadhiba waa naxdine Fantaa runta loo yaqaan Beentaa lagu faraxsan yahay Fagaaroo laga hadlana Faqaa laga door bidaa Danaystuhu waw fariid Faaliyuhu waa u sheekh Qabyaaladu waa u faral Qoloba ugu faanto qolo Qaranimadii la fudud Fusuqa ilbaxnimadu siduu Bulshada ugu sii dhex faafay Aroor lama foof tagee Fiid kaa shaqo loo kacaa Jinkaa fayl lala galaa Tukaanaa habeenkii furan Dharaartii fasax ku jira Sidii yoo lagu fallay Bulshadu fays buuga iyo Yuutuubka ku foorartaa Waxgarad tallo fiicaniyo Waayeelku siduu na faro Dhagaha ka furaysanoo Waxaan fursada u huraa Dood aan dhalin faa’idiyo Falaqayn siyaasadeed Fiidyaha gurigeena yaal Furqaan diinteena iyo Tafsiir kama fiirsanee Filimo gaaladu jishaa Dhamaan lagu foogan yahay La mood qurux fool xumoo Ma feedhaan wiilashii Food dheeroo lala bixiyo Dhar aan ku filnayn jidhkay U haystaan faashiyoon Ficilkasta ooy rabaan Haween fasax looga dhige Wadaadadii Kala fiqiyo Fariiqay Kala noqdeen Dadkana Kala faagashiyo Waxay Ku fureen tashuush Fankii wacyi galinta iyo Fariimaha toosintiyo Wanaaguun fidini jiray Fara tiris baa ka hadhay Faynuuskii sii diciif Farashaxanka abwaanka iyo Fannaan magaciisii dhimay Dadbaa si kale u fasiray Fasahaad laga durkiyo Fawaaxish darbaa ka dhigay. Hadaba faaleeya oo Bulshadan fahamkeedii lumay Facoodii kacay ambaday Filkiyo qayrkood Ka hadhay Hadmay xor u fikirayaan ? Dantiisa si uu fushado Gumaystaha Kala furfura Dadkeenana Kala fadila Garaadka fayow tirtira Maankeena fadhiidka dhiga Farsamadeen kaga baxnaa ? Cudurka fardaha galee Dameer farow laga gubaa Fayoobi ma keenaysaa ? Hangoolkan faraarihiyo Gantadiisii Kala fogtee Midiba figta geed Ku yaal Fajac iyo yaabkan dhacay Sideen u furdaaminaa ? Erayadii: Mubaarik Cabdi Yuusuf

COMMENTS
Latest News