Hangoolnews.com
“MUWAAFAQO LA,AANTA AXSAABTA & MAYAL ADKAANTA WADANI” W/Q. Maxaned Gacayte
March 27, 2019 - Written by Hangool News 1

Muddo kordhinta Guurtida u samaysay Golaha Wakiilada in doorashadu qabsoonto Dec.2019, waxay ka dhigan tahay in la fuliyay dalabkii Xisbiga Wadani ee ahaa in Komishan Cusubi uu qabto doorashada, Reer WADANI Warka intaa le’eg mahayaan horta mise halkii hore uunbay kaga dhagan tahay? Hadaba midna xal maaha muwaafaqo la,aanta axsaabta qaranka iyo mayal adkaanta Xisbiga Wadani labaduba caqabad ayay ku yihiin doorashada, waana astaamaha lagu garto dib u dhaca doorashada iyo bidhaanta mudo kordhin kale oo sheeda iiga muuqata. Alle hasahle….. Axsaabta Qaranka waxa laga rabaa inay dooda ijiid aan ku jiido waa gacmo daalise iska dhafaan oo Qaranka u tudhaan oo aanay iyagu isku muuqan. Abwaankii waynaa ee IHN. Gaariye, Maansadiisii Gurmad waxa ku jiray tuduc si farxshanimo leh u hogatusaalaynaya raga siyaasada ku hirdamaya afkaartooda innay ka wayntahay Danta Qaranku “Raguu ka dhaxeeyo geel Haduu kala geeyo damac Waxa isugayse #Danne Allow garansii nin Moog” Axsaabteena waxaan ka rajaynayaaa inay muwaafaqo yeeshaan oo danta Xisbiga ay ka horaysiiyaan danta Qaranka. Xisbiga Wadani hamiyirsado Doorashada Komishan cusub ayaa mar walba qabanayee hayskana dhaafo ku jiqsiida oo haduu wax isla hayo oo doorasho diyaar u yahay dood caafimaad qabta ha keeno, hayskana ilaawo hibashada doorashadii Madaxtooyada ee lagu kala calafqaaday, Kolkaa wxn leeyahay dalka u tudha oo waxa la yidhi “Ruqqe Ninkii Lahaa Dabada Hayo Makacdee” Doorashada ha dabrina ee danta Qaranka ka raaca. Somaliland Doorasho Ayay Ku Iibsamaysaa. Wabilahi tawfiiq. Qalinkii: Maxamed Gacayte.

Hargeysa/ Somaliland Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
Latest News