Hangoolnews.com
Uganda: Dad laga cabsi qabo “inay ku sumoobeen” boorash loo qaybiyay
March 19, 2019 - Written by Hangool News 1

Dalka Uganda waxaa la joojiyay qaybinta mishaari la siinayay qaxootiga iyo dadka ay nafaqo-darrada hayso ee ku nool dalka Uganda, iyadoo cabsi laga qabo inay ku dhimatay haweeney da` ah.

Ku dhowaad 200 oo qof oo kale ayaa isbitaalka la dhigay, kaddib markii ay cabeen boorashkaas oo lagu magacaabo super cereal.

“Dabcan waxaa laga yaabaa inay wxa ka jiraan balse waxaan u baahannahay inaan xaqiiqda ogaanno,” afhayeen u hadlay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

“Ma ogaan karno ilaa sheybaarka dowladda iyo kan WFP ay ogaadaan sababta ay dadku u xanuunsadeen,” ayuu yiri.

Dadka xanuunsaday ayaa ka sheeganayay mantag, qandho iyo calaamado kale oo la xiriira sumowga cuntada, sida ay sheegeyso weriyaha BBC-da Catherine Byaruhanga.

WFP ayaa sheegtay in bukaannadu ay ka tirsan yihiin qoysas toddobaadkii hore loo qaybiyay shurbadda.

Super cereal waxaa caadi ahaan la siiyaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee khatarta ugu jira nafaqo-darrada, balse waxaa sidoo kale hadda loo qaybiyaa dadka reer Uganda iyo qaxootiga nafaqa-darreysan.

Super cerealLahaanshaha sawirkaSOPA/GETTY IMAGES
Image captionBoorashkan ayaa waxaa loogu talogalay hooyooyinka balse waxaa sidoo kale loo qaybiyaa dad da` walba leh oo Uganda ku nool

Uganda waxay martigelisay 1.1 milyan qaxooti ah – taas oo ah tirada ugu badan ee joogta dal Afrika ku yaalla. Qaxootigaas badankood waa haween iyo carruur kuwaas oo ka soo qaxay xadka Suudaanta Koofureed.

Super cereal ayaa laga qaybiyaa guud ahaan Uganda, sida ay WFP sheegtay, balse kiisaskan ayaa laga soo sheegay waqooyi-bari gobolka Karamoja.

Dagaallo ayaa hore uga dhacay halkaas, iyadoo ay sidoo kale ka jirto abaar iyo saboolnimo ba`an oo sababay in bulshada halkaas ku nool ay ku tiirsanaadaan gargaarka cuntada.

Waxaa socda dadaallo lagu soo celinayo kiishash shurbaddaasi ay ku jirto oo hore dadka loogu qaybiyay.

Waa maxay calaamadaha cuntada oo lagu sumoobo?

  • Inaad dareento xanuun amaba laqanyo
  • Shuban
  • Mantag
  • Calool-xanuun
  • Heerkul 38C ah amaba ka sarreeya

COMMENTS
Latest News