|
|||||
Hangoolnews.com
Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baa yaale!
March 19, 2019 - Written by Hangool News 1Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baa yaale! Hadaba waxaynu wada ogsoonahay dadkaa aan soo sheegay ee aan Aqoontooda iyo kartidooda midna aan meel ku tagi karin inay 30kaa sano ay ku qaadhaaban jireen koofiya marna Garowe u dirta marna Hargeisa u dirta marna Xamar u dirta oo wasiirro iyo xildhibaano ka dhigta aanay karti u lahayn sidaas ku noqon jireen. Waxan leeyahay dadkaasi way is yaqaanaan e Yubbe waa degmo Somaliland. Waxayna ka mid tahay degmooyinka gobolka Sanaag iyo degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan kaloo xasuusinayaa inaan Yubbe maanta ciidanka Somaliland ugu horayn ee ay ciidanka Somaliland hore fadhiisin ugu lahaayeen. YUBBE na ma ah degmo xuduudku taala e waa degmo ka mid ah degmooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag. Waxaynu wada og soonahay in Yubbe lagu qabtay shirarkii nabadaynta Gobollada Bariga SL oo ay ka dhaceen shirarkii Yubbe 1, Yubbe 2 iyo Yubbe 3 taas oo salka u ahayd nabad gelyada gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo in nabad lagu wada noolaado. Ugu danbayntii waxaan u sheegayaaa dadka weli la nool Taariikhda tagtay iyo waxbaan ahaan jiray inay dhammaatay Adduunkuna casri maraayo. HA TILMAAMIN AAKHIRO WAXAA TACBTAY BAA YAAL E HAYAANKUNA WAA MEEL!!! SAID MOHAMED SAID
COMMENTS
|
Latest News
|