Hangoolnews.com
Akhri:- Khudbada La Filayo In Uu Jeediyo Madaxwaynaha Somaliland Marka Kuu Soo Noqdo
March 12, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa safar shaqo ku tagay waddanka isku taga Imaaraatka Carabta.

Waftiga madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay soo noqdaan Jimcaha Todobaadkan, khubaddooduna ay noqoto mid u dhigan siddan:-

Safarkii aanu ku tagnay waddanka Imaaraatku waxaa uu ahaa guul taariikhi ah waxaa la noo soo dhaweeyay si heer sarre ah waxaan la na dajiyay hotel qaaliya oo la dajiyo wufuuda caalamiga ah, waxaanu la kulanay madaxda ugu saraysa dalkaasi iyadoo ujeedada socdaalkaygu ahaa marti-qaad rasmi ah oo aanu ka helnay dalkaasi, waxaanu meel isla dhignay in dib u habayn lagu sameeyo dakadda Barbara in la dayac-tiro waddada isku xidhaysa Barbara iyo Wajaale, iyo siddii loo xooji lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal.

Khudbadan malla awaalka ah ayaa laga yaabaa in uu akhriyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Jaamac Warsame ama Mid ka mid ah wasiirada la socda.

Xitaa khudbadan ma-la awaalka ah ee aad imika akhrinayso ayaa lagu soo hadal qaadayn halka uu marayo iyo waxaa hortaagan Baasaaboorka Somaliland ee Imaaraatku sheegeen kal hore in lagu tagi doono dalkooda,

Gababa gabadii ayaa si aan su,aal xaqiiqa loo waydiin waftiga waxa laga hor istaagi doonaa saxafiyiinta aqoonta u leh safarada noocan oo kale ah waxyaabaha laga wadda-hadlo.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News