Hangoolnews.com
Akhri:- Urur Magaciisu Khatar Ku Yahay Somaliland Oo Loogu Yeedho Shakhsiyaad Ka Ag Dhow Madaxtooyada Dalka Iyo Dhaxalka Ka Dhalan Karaya
March 11, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Maalmahii ugu dambeeyay waxaa socday in dadka ka adag dhow madaxtooyada Somaliland loogu yeedho urur laga soo mid guuriyay magaciisa dowladdii hore ee Ismaamulka Somalida Itoobiye ee uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar “Ilay” kaas oo ah Heego kuna bahoobeen dad ay isku fikrad ahaayee Madaxwaynahaasi jeelka ku jira oo adeegsan jiray awoodda Maamulkaasi kuna kici jiray Tacadiyo badan halka ay kooto ugu xidhnayd Mashaariicyo badan oo bulshadu u sinayd,

Haddaba Maalmahii ugu dambaysa ayaa waxaa ku soo xoogaysanayay Somaliland ku dhawaaqista Magaca Heego oo aan qaar badan garanay dhibta uu ka dhex gaystay bulshadda Deegaanka Itoobiya.

Magacan Heego ayaa loogu yeedhaa dad badan oo ka ag dhow Xukumadda Muuse Biixi kuwaas qaatay Fikradii ururkaasi iyo qaabkii uu u shaqayn jiray.

Magacani ayaa haddii loogu dhaqmo sidda loo aasaasay ay ka dhalan kartaa Cawaaqub xumo iyo in shacabka kala fogaadaan.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News