Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Magaalada Hargaysa
March 11, 2019 - Written by Hangool News 1

Hargeysa-11-03-2019-(Hangoolnews) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

 

COMMENTS
Latest News