Hangoolnews.com
Ma loo yaabaa xukunka madaxweynaha Chad Idriss Déby?
February 10, 2019 - Written by Hangool News 1

Milateriga dalka Chad ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan oo fallaago ah, ka dib hawlgal uu ku beegsaday xooggag doonay inay dalkaasi kaga soo tallaabaan xuduudda Liibiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in tiradaasi badan ee dagaalyahannada la qabtay ah ay ku jiraan afar taliye, halka ay hawlgalkaasi ku gubeen 40 gaari oo ay wateen xooggagaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska oo gacan siinaya milateriga milateriga Chad ayaa maalmo ka hor dhowr goor duqeymo la beegsaday kolonyo fallaago ah oo marayay gobolka Ennedi.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa u suurtagashay inay boqolaal kilo mitir gudaha u soo galaan dalka Chad ka hor inta aan laga hortegin sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

 

Dhaq-dhaqaaqan ay samaynayaan fallaagada ayaa qeyb ka ah khatarta isa soo taraysa ee ku wajahan xukuumadda madaxweyne Idriss Déby.

Ciidamo Faransiis ah ayaa hadda ku sugan dalka Chad, waxaana ay qeyb ka yihiin hawgalka loogu magac daray Barkhane ee gobolka Saaxil loogala dagaallamayo mintidiinta Muslimka ah.

Fallaagooyin isbahaystay oo la magac baxay Union of Forces of Resistance (UFR), isla markaana diiddan xukunka Déby ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin dhaq-dhaqaaqa ka socda xuduudda Liibiya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku soo warramaysa in taliyaha UFR, Cismaan Teguene, ay suurtagal tahay inuu ka mid yahay dagaalyahannada la qabtay.

Madaxwyne Déby ayaa xukunka hayay tan iyo sanadkii 1990 markaas oo uu inqilaab milateri kula wareegay awoodda madaxtinnimada.

Sanadkii la soo dhaafayna, baarlamaanka Chad ayaa ansixiyay dastuur cusub oo ballaariyay awoodaha madaxweynaha, isla markaana u sahli kara inuu xafiiska sii hayo tan iyo sanadka 2033-da.

COMMENTS
Latest News