Hangoolnews.com
Akhri:- Xukumadda Muuse Biixi Oo Ku Guul Daraysatay In Ay Bixiso Mushar-Bileedkii Shaqalaha Dowladda Iyo Arrimaha Hortaagan
February 10, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Somaliland ayaa intooda badan la siinin wax mushahar ah.

Musharkan ayaa ah lacagta bishii hore ee dhamaatay halka maanta ay bishu marayso 10/02/2019 waxaana saddex meeloodoow meel dhamaatay bishii dambe.

Lama garanayo waxaa mar qudha keenay in shaqaalaha intooda badan aan illaa wakhtigan la siinin musharka aan badnayn ee ay qaataan.

Xoggo Hoose ayaa sheegaya in ay jiraan dhaqaale la,aan la soo daristay xukumadda Biixi wallow aan si buuxda aanu arrinkan Baanka iyo wasaaradda Maaliyadu u shaacin

Dhinaca kale waxaa musharka la siiyay oo kaliya Ciidamadda Qalabka sidda ee Somaliland

Bishan ayaa noqonaysa muddo ku siman seddeed sanno oo Xisbiga Kulmiye talada hayay Bishii ugu horaysay ee muddada intaas leeg shaqaalaha Dowladda  lacag la,aan waagu ugu baryo sidda saaka oo kale.

Geesta kale illo wareedyo  ayaa Hangoolnews u Xaqiijiyay in la hakiyay musharka shaqaalaha Dowladda laguna joojiyay amar wasiirka Maaliyada Somaliland, Hangoolnews ayaa isku dayay wasiirka in uu arrinka wax ka waydiiyo mase noo suurto galin.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News