Hangoolnews.com
Akhri:- Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Noqday Ninka Kaliya Ee Kootada Loogu Xidhay Mashaariic Ay Muwaadiniin Lahaayeen Iya Awooddaha Uu Adeegsado
January 31, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi ayaa noqday Ganacsadaha kaliya ee si musuqmaasuq ah loogu Xidhay Mashaariic fara-badan oo ay lahaayeen dad muwaadiniin ah.

Ganacsadaha ayaa waxaa Kooto sharci daro ah loogu xidhay mashaariic farabadan oo ay lahaayeen muwaadiniin isaga ugu aqoon badnaa waxaana Maxamed Aw Siciid Adeegsadaa awoodda Xukumadda uu ku faano in uu isagu soo saaray ee Somaliland.

Arrimaha ugu la yaabka badan ayaa ah in wasaarad walba uu geestay cid isaga u addeegta oo la socota Qandaraasyada kala duwan ee wasaaraddaasi bixinayso, si uu kaligii u qaato dhamaan waxii faa,iido ah ee qarankani u sinaa, ma aha oo kaliya mashaariicda uu maroorsanayaa mid ka soo fulay Xukumadda Muuse Biixi Bulshada inteeda kale ka dhawaysatay ee haddii Qandaraasyo kale xataa dibadda ka yimaadaan isaga ayaa loo gacan galiyaa.

Dhinaca kale Xukumadda Muuse Biixi ayaa u dhago nugul Ganacsadahan waxaana hubaala in dhamaan si abaal celisah oo  aan sharciga waafaqsanayn loo siiyay mashaariic badan oo sharciga waafaqsanayn waxaanan idinla wadaagi doonaa Mowduucyo badan oo muujinaya mashaariicda xigto maalka ah ee uu qaatay.

La Soco qaybaha kale

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News