Hangoolnews.com
Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Deegaanka Tuka-raq Ku Dhex-maray Ciidammo Ka Wada Tirsan Maamulka Puntland
January 30, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews-; Wararka aan ka heleyno deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaal uu ku dhex-maray Ciidammo ka wada tirsan maamul gobolleedka Puntland.

Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geed Qaboobe oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidammada maamulka Puntland ee dagaalku dhex-maray, kaasi oo ku yaalla Aagga deegaanka Tuke-raq, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidammada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsan ciidammada Puntland.

Illaa iyo hadda lama Oga sababta keentay in dagaal uu dhex-maro Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Aagga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

COMMENTS
Latest News