Hangoolnews.com
Dhibbane Dhib Geysanaya! (WQ:Cabdicasiis Guudcadde)
January 14, 2019 - Written by Hangool News 1

Waxa su’aalo maanka gadaya ah sababta qof/koox dhibbane soo noqotay ay u geysato dhib le’eg, ama ka badanba, midkii loo geystay: Maxaa ku qaada dadka xorriyad-darrada ka gilgilasha in ay markooda dadka xorriyadda ka qaadaan? Dad caddaad rabey in ay dad kale caddaaladda seejiyaan? Maxaa keena in dad lagu soo tacaddiyay, oo ka gedooday, marka ay goboobaan in ay doorkooda tacaddiyaan? Halganka xaqudirirka ahi ma dhali karaa xaqdarro? Hoggaamiyayaasha kacdoon cabbudhindiid ah maxaa ku kellifa in ay hadhaw dadka cabbudhiyaan, oo intii la soo baday cid kale badaan? Soomaalilaan, xubnihii SNM ee ka dagaalamay dulmigii Siyaad Barre marka ay xilka qabteen, sida Siilaanyo iyo Muuse Biixi, maxay u geysteen isla ficilladii ay sheegeen in ay ka gubteen? Waxan is beddelay waa maxay?
Caqliga halgamaaga jaadkan ah in aynu derisno, oo dabadeed akhrisanno dhaqaajiyayaasha bulsheed iyo kuwa nafsadeed ee ka danbeeya, ayaynu maqaalkan u qornay. Ugu horrayntaba, maxaa keena in dadi ka diiraan falal ay u arkeen in noloshooda ay lid ku yihiin?

Waxaynu naqaan in habfekerka qofku aad u qaabeeyo habdhaqankiisa. In qofku fal gaar ah sameeyo ama samayn waayana waxa wax weyn ku leh maanhagga (attitude) uu ka haysto waxaas: sida uu arkayo. Haddii waxaasi la yahay samo iyo saxnaan, waxay u badan tahay in uu sameeyo—sida kalana waa run. Wixii maskaxi goyso ayuu addin fuliyaa, baynu ku doodi karnaa (innaga oo ergisanayna qaabdhaca maahmaahdii wixii indho arkaan ayay ilko gooyaan).
Habfekerkeenna sidaa u awoodda badan maxaa isagana saameeya haddaba? Waxyaabo badan. Deegaanka innagu hareeraysan ayaa se u weyn. Dadku sida ay u fekeraan, oo laga dheehan karo sida ay u dhaqmaan, aad buu qorqoraa waxa aynu dhab ahaan aaminayno. Dadka oo dhani isku saamayn ma aha. Cidaha inoo dhaw, sida ehelka ina soo koriya iyo/ama asxaabta aynu isku badannahay, ayaa qaadhaan ku darsada in ay faragashadaan habfekerkeenna. Guud ahaan, cid kale ayaa ina raadaysa. Ciddaa kale waxay inoo adeegsataa suldad fulineed (waalidnimo, saaxiibnimo, dawladnimo, diin, dhaqan…) oo ay ka soo darsadaan taxliisha ay ku beerayaan geedka garaadkeenna. Ka dibna, awooddaas ayay ku takrifalaan, oo dhan kasta innagaga soo hareereeyaan. Maskaxdeennuna marka ay ababayso way iska qaadataa iyada oo aan wax sidaas ah iska wayddiin. Marka aynu kornana, si ay uga baaqsato qulub iyo qarracan ka dhalan kara haddii aynu waxaas oo dad ah ka hor nimaadno, maskaxdu waxay maslaxad mooddaa in sidii hore loogu sii hoggaansanaado.

Deegaanka saamayntaa leh waxa ka mid ah cidda inoo talisa. Siyaasad ahaan. Haddii aynu sawiranno dawlad uu xukumo kelitaliye aan oggolayn in laga duwanaado, waxaynu suuraysan karnaa bulshada taliskiisa ku hoos nool iyo sida ay nafsad ahaan uga falcelinayaan. Xeerarka oo dhami marka ay keligii yihiin, xurmada oo dhan uu isagu leeyahay, go’aan kasta uu isagu qun u gaadho, dalkaba uu dawaarle geeyo dabadeed is le’ekaysiiyo, waxaas baa curfi noqda. Weliba eeshu waxay sii badataa mar kasta oo muddada uu qofkaasi joogaa sii siyaaddo.

Sidii Jamhuuriyaddii Soomaalida ka dhacdayna, sawirka dawladnimadaba waxa laga qaatay qofka uu ahaa Siyaad Barre. Dhammaan hoggaamiyayaashii jabhadaha ee mucaariday, waxay ku soo barbaareen nidaamka Barre. Gurigaa aan cadceedda celinayn ayay wada hadhsan jireen. Waxay ku soo canqarismeen carooggaa cadaadiska. Laakiin, go’aankii ahaa in ay ka soo hor jeestaan wuu saxsanaa. Waayo, cabbudhin loo ma dul qaadan karo.

Kolkii ay taliska diideen, waxay qiil meelmar ah ka dhiganayeen, si akhlaaq ahaan loo taageero, gaboodfallada Filla Soomaaliya in aan loo dulqaadan karin. Afgenbi buu Barre kula wareegay meel kasta oo qarannimada ka mid ah, dawladnimadiina wuu yeeshay. Kolkaa waa la garan karayay in aanay raagayn amarkutaaglayntiisu. Haddaba maxaa dhacay?

Wax kasta oo xun baa dhacay. Waxaana Jamhuuriyaddii ka bilaabmay qulqulatooyin iyo qaabdarro siyaasadeed oo dhalay Dagaal Sokeeye. Waaya-aragnimada Soomaalilaan la yidhaahdo ayaa ka mid noqotay natiijada. Jabhaddii SNM ayaa ku dhawaaqday in gobolladii waqooyiga dawlad ay ka dhalisay, labada sano ee soo socdana ay iyadu sii xukumi doonto. Waxa la isla oogsaday in ‘Dhagdheer’ dhimatay, oo dhulkii nabad yahay. Wax kasta oo laga tabanayay Xamarna in la saxayo, oo weliba laga raysan doono, ayaa la ballanqaaday.

Maanta, Soomaalilaan waxay jirtaa kudhawaad 28 gu’. Waxa xilka haya nin askari makaanig ka soo ahaa Jamhuuriyaddii uu Barre haystay, jabhaddii SNM-na askari u soo noqday, Muuse Biixi. Shanta madaxweyne ee soo marayna, kii saddexaad ee jabhaddaa ah ayuu noqonayaa (Tuur, Siilaanyo, Biixi). Waxa se maanta si kasta u cad in adeegyadii Siyaad Barre ay weli ka sii fulaan Soomaalilaan: xadhig, xaqdarro, cadaadis, dimuqraaddiyad-la-dirir, kuxadgudub xuquuq insaan… Dadka ka aragti duwanaada cidda xilka haysa waa la iska xidhaa. Waxa fududaatay, oo weliba faaftay, in dad aan faldenbiyeed faraha kula jirin la iska taxaabo, hadba jewiga uu askarigu ku sugan yahayna lagu eego: cadho madaxweyne ayaa la isku xidhay, cafis madaxweynana waa la isku sii daayay.

Dastuurkii ayaa si kasta loogu tuntay. Doorashooyinkii ayaa si kasta dib loogu dhigay. Xeerarkii kale ayaa la iska indho tiray. Fadqalallo guud ayaa la maalgashaday. Xorriyaddii cabbiridda aragtida ayaa si kasta looga horyimi. Tusaale ahaan, afartii sano ee u danbeeyay oo keli ah (2015-2018) waxa xabsiga la dhigay celcelis ahaan 100 weriye (sida ay soo gudbisay Xarunta Xuquuq Insaanka ee Soomaalilaan). Dad baa laga raacay magaalo aan la rabin baad booqateen. Dad baa loo xidhay midabka diraca ay gashan yihiin! Kuwa kalay galaafatay in ay riyo aan la doonayn arkeen. Maqaal buu qoray, ama madaxweynuhuu maxallinnimo ku sheegay, ayaa dar kale sababsaday. Jeelal waaweyn baa loo dhistay, loo qurxistay, sidii dad badan loo xidhxidhi lahaa. Xarumo warbaahineed ayaa la weeraray, oo hawo iyo huurba loo diiday.

Dhanka kale, qabyaalad cad ayaa lagu dhaqmay. Dad baa la eexaystay, kuwa kalana waa la garbiyay. Caasimaddii Muqdisho ee lagu eedayn jiray in qarankiiba iyada noqday, Hargeysa ayaa beddeshay. Beelo dhan ayaa loola baxay ‘darafyada’ oo laga xigsaday Soomaalilaannimada, sidii dad marti ahna lagu yidhi “waxaannu siinnay intaa oo xil…iyo 2% miisaaniyadda ah…iyo hebel oo guddidaa ku jira…” Xin baa la beeray, oo xasarad baa la naaxiyay. Dad baa la laayay, sababta oo ah way soo bannaan baxeen. Xeer baa loo samaystay in xabbad nool lagu gumaadi karo, gar iyo mag la’aan, ciddii muddaharaadda. Sidaas baa wax loo gartay, oo loo galay.

Maxaa isbeddelay? Miyaanu Muuse Biixi (iyo Siilaanyihii ka horreeyay ee ay Kulmiye wada yihiinba) ahayn SNM? Hadda waa jabhaddii caalamka ku lahayd Siyaad Barre xuquuq insaan buu duudsiinayaa e naga qabta, oo nagu caawiya katakhallusiddiisa? Muhiimaddu maxay ka ahayd? Miyaanay xaqudirir dhab ah ahayn? Mise waxay rabeen in ay markooda wax duudsiyaan?

Qoraagii iyo faylasuufkii reer Baraasiil, Paulo Freire, wuxuu qoray buug aad inoogu muhiim ah oo innaga kaalmayn kara in aynu isdiiddadan furdaaminno: The Pedagogy of Oppression. Marka la halgamo, ee mucaaradka hubaysani iska ridaan heeryadii jawrfalaha, waxa xiga marxalad aad u xanuun badan, ayuu Freire ku dooday. Waa marxaladda isdadaynta (humanization). Dadka la cabbudhiyay iyo kuwa wax cabbudhiyayba waxay waayaan sifadii dadnimo ee ay lahaayeen: kan wax cabbudhiyay maaddaama uu dad kale cadaadinayo wuu lumiyay tayadaa dadnimo; kan la cabbudhiyayna maaddaama nafta loo keenay oo si kasta loo bahdilay wuu ka tagaa dhadhankii dadnimadu. Intaba dadtiran (dehumanization) ayaa ku dhaca. Halganka weyn ee ay ay jabhadahani galaanna waa in ay dib isu dadeeyaan. Haddaba habfekerka ay ka qaadanayaan hawlgalkan cusub ee isdadaynta weeye meesha warabku ka yimaaddo.

Qofkii la soo cadaadinayay weligii, ee ku hoos noolaa kabta qadha ah iyo caqliga qandhadha ahi wuxuu iswayddiiyaa: sidee dad lagu noqon karaa? Xornimada aanu filanayn ee uu hadda helayna aad bay uga kedisaa. Dareen kurbo miidhan ayayna ku dishaa. Ka dibna wuxuu su’aashaa kaga jawaabaa: dadnimadu waxay kuu jirtaa hadba inta aad u jirtid kii ku cabbudhiyay. Isagii ayuu isu eekaysiiyaa, isaga oo is leh kabihii uu illannaa gasho oo dabadeed wax ku hagaaji. Maaddaama aanu waaqacan cusub ee gobonnimada ah xammilayn, wuxuu u baahdaa in uu astaamo badan ka soo amaahdo cabbudhiyihii.

Isxorayntu waa sida ummulidda oo kale, oo fool xanuun badan ayay leedahay. Waxay u baahataa dedaal maskaxdeed, iyo mid muruq, oo aad u lexaad leh. Nafsad ahaan aad bay culays u leedahay. Qofkii gunnimada ka kacay, maaddaama uu berigii hore cabbudhka qaayibi jiray, waxa ku adkaata in uu hawadan xanuunka badan ee xornimada neefsado. In uu shakhsiyad cusub yagleelo waxa uga sahlanaata in uu aayar soo qaata shakhsiyaddii cabbudhiyaha ee iska diyaarka ahayd. Mudane Freire, tusaale ahaan, wuxuu ku dooday in raggnimada uu qofkani ka raadiyo ciddii uu ahaa cabbudhiyuhu.

Fahan kasta oo dawladnimada laga qaadanayo waxa uu ka qaataa kii soo garaacay. Waayo, waxa duunkiisa (subconsciousness) ku jirta haybadaysi uu ka haybadaysanayo qofkan kelitaliyaha ah. Wuxuu is leeyahay waa qof karti leh, oo yaab leh, maaddaama ay ka suurawday in uu dad dhan ku tacaddiyo. Sida uu Sigmund Freud qabana, duunkeenna waxa ku jiraa aad ayuu u raadeeya habfekerkeenna aynu dhaaddannahay, ee saamayn doona habdhaqankeenna.

Nafsad ahaan, dhibbanihii hore (iminkana cabbudhiyaha noqday) wuu ku nefisayaa dhibtan uu dadka ku samaynayo, balse halgankii isaga dhalay iyo nuxurkii loo soo galayba way ku saxariirayaan.Waana halis ay tahay in laga feejignaado xilliyada kacdoonnada. Dabinkii cabbudhiyaha in aan lagu dhicin.

Marba haddii ay yeeshaan shakhsiyaddii cabbudhiyaha, hoggaamiyayaasha halganku waxay noqdaan dheeg ka mid ah cabbudhiyihii. Ka dibna, waxay falaan wixii uu fali jiray, iyo wax baradheer—iyaga oo hees hawleed ka dhiganaya: laga-barayba laga badi!

COMMENTS
Latest News