Hangoolnews.com
Deg Deg/Akhri:- Golaha Guurtida Oo Ku Kala Qaybsan Kulan Ay Maanta Yeelanayaan Iyo Go,aanka La Filayo In Ay Ka Qaataan Dib U Dhaca Doorashooyinka
January 13, 2019 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Golaha Guurtida Somaliland ayaa imika ka soo xaadiray xarunta golahaasi waxaanay hore u galeen hoolka shirarka halka shir-guddoonkoodiina imika uun uu soo galay waxaana la filayaa inay ka doodaan waxa ay ka yeelayaan saaka warqad uu Madaxwaynaha Somaliland u soo gudbiyay oo ahayd in aanay doorashadu Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku wakhtigeedii ku qabsoomi Karin.

Golaha Guurtida ayaa la filayaa in ay imika ka doodaan arrinkani halka saxaafaduna dibad-joog ka ahaan doonto.

Falayn-qayntan ayaa soconaysa sidda Hangoolnews loo xaqiijiyay illaa laba iyo tobanka Duhurnimo.

Dhinac kale warar xogogaal ah oo aanu Xarunta ka helayno ayaa sheegaya in gabagabada Guddi loo saari doono Howshani oo inta badan Golahaasi ku kala qabsan yahay in muddo kordhin loo sameeyo golayaashaasi iyo in aan loo samayn,

Geesta kale Xildhibaan ka tirsan golahaasi ayaa diidan in guddi loo saaro howshani.

Hangoolnews kala soco waxii warar ah

COMMENTS
Latest News