Hangoolnews.com
Xisbiga xorreynta ee ugu horreeyay Afrika oo u dabaaldegaya sanadguuradii 107
January 12, 2019 - Written by Hangool News 1

Xisbiga talada haye ee dalka Koonfur Afrika, ee African National Congress lagu magacaabo ayaa toddobaadkan u dabbaal dagaya sanad guuradiisii 107aad.

Xisbigan ayaa ah dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ee ugu faca wayn Afrika, waxaana la filayaa in kumanaan taagerayaashiisa ah ay isugu imaan doonaan garoonka Kubadda cagta ee Moses Mabida.

Xuska debaaldega xisbiga ayaa ka dhigan bilowga ol-olaha doorashada ee wadanka koonfur Afrika, waxaana halkaasi ka dhici doono debaaldegyo badan.

Wadanka koonfur Afrika ayaa xusaya 25 sano guuradii kasoo wareegatay tan iyo markii doorashadii ugu horeysay oo dimoqaraadi ah ay ka dhacday dalkaas.

Balse xaalada ayaa haatan sidaasi ka duwan oo Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku lug leh eedeymo musuqmaasuq.

Madaxweyne Ramaphosa ma mideeyn doona xisbiga kala qeybsamay ee ANC?

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Cyril Ramaphosa ayaa balan qaaday inuu wadanka ka sifeyn doono musuqa si adagna uu ula dagaalami doono, balse waxa uu maray wadadii hogaamiyeyaashi ka horeeyay oo waxba kama uusan qabanin.

Si la mid ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, kaasi oo haatan wajahaya eedeymo musuqmaasuq oo dhowr ah.

KwaZulu-Natal waa gobolka labaad ee ugu weyn Koonfur Afrika waxa uuna hoy u yahay 11 milyan oo qof waxaana ku xoogan taageerayaasha Mr Zuma kuwaasi oo kasoo horjeedo eedeymaha loo soo jeediyay.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa rajeynaya inuu soo bandhigo inuu xakameynayo khilaafaatka ka dhex jira xisbiga talada haya, waana ninka llogu rajada badan yahay inuu dalka ku hogaamiyo inay ka dhacaan doorashooyin loo arki doono inay noqdaan tartan kala reebayp mid ka mid ah dhaqdhaqaaqii xoreynta ee ugu horeyay Afrika.

COMMENTS
Latest News