Hangoolnews.com
Akhri:-Qaabka Ay Ugu Dareen Celiyeen Shacabka Dalku Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Mustafe Cagjar
December 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa  ku nool Caasimada Hargaysa qaarkood  ayaa qaabab kala duwan ugu dareen celiyay kulankii maanta ee Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxwaynaha Ismaamulka Dowladd-deegaanka Itoobiya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in uu talaabo haboon oo wax ku oola ay tahay kulankan dhex maray Muuse Biixi iyo Mustafe Cagjar.

Halka Dadka qaarna ay u arkaan kulankan in uu yahay mid aan haboonayn oo hoos u dhigaya meeqaanka jirtaanka Somaliland,

Baraha Bulshadu ay ku kulanto ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay arrinkan waxaana inta badan rayigoodu isku soo ururayaa in ay ka haboonayd in Muuse Biixi siddii madaxdii ka horaysay oo kale kulan la  qaato Raysal-wasaaraha Itoobiya.

Dhinaca kale kulanka ayaa Baraha Bulshada si adag looga doodayaa marka aad eegto sidda qaarna u soo dhawaynayaan qaarna ay u muujiynayaan waji gabax Siyaasadeed.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News