Hangoolnews.com
Akhri:- Qodobka Ugu Mihiiimsan Ee La Filayo In Uu Hortaagan Yahay Isku Shaandhaynta Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi
December 20, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Bulshada Somaliland ayaa in muddo ah ba filaysay in Madaxwaynaha Somaliland samayn doon isku shaandhayn uu ku sameeyo Golahiisa Wasiiradda taas oo shacabku saluugeen qaabka uu u  soo xushay.

Madaxwayne Biixi iyo aqalka  looga arrimiyo dalka  oo dhowr jeer laga helay xoggo sheegaya in Madaxwayne Muuse Biixi samayn doono isku shaandhayn inkasta oo aanay taasi wali suurto galin,

Haddaba tan waxii intaasi ka dambeeyay ayaa dadka siyaasadda indho indheeya ama falan qeeyaa ay ku raacsan yihiin waxa kaliya ee Biixi hortaagani in ay tahay haddiiba uu sameeyo isbadal golahiisa wasiiradda ah  in meesha ay ka baqayaan xubno wasiiro ah oo Beeshiisa ah kuwaas oo lagu dhaliilay Madaxwaynaha lana suganyo in uu si sax ah u sameeyo saami qaybsi aan saluug ka muuqan.

Dhinaca kale wali ma muuqato dhaq dhaqaaq iyo  talaabooyin  howlahani la xidhiidha oo ka socda aqalka madaxtooyada somaliland.

Muuse  Biixi ayaa intii uu ku jiray safarkiisii gobolada barri soo qaaday balan qaado badan oo uu wax kaga badalayo Xukumaddiisan salluuga baddan laga muujiyay

Lama saadaalin karayo waxaa iska badalay  markii uu  Hargaysa yimid Madaxwayne Muuse Biix Cabdi.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News