Hangoolnews.com
Is-barbardhigga Heshiisyadii Siyaad Barre iyo Minguistu, iyo Farmaajo iyo Abiya. (WQ: Cali Cabdi Coomay)
December 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Taariikhyahankii Ibnu Khaldun ayaa laga hayey” Sida dhibcaha roobku isugu eeg yihiin, si ka dhaw ayaa ay isug eeg yihiin taariikhda iyo mustaqbalku” Noocyada is-bahaysiyadda siyaasaddu maaha mid meel keliya iska taagan, waa mid ku dhisan dano sida sarifka doolar isku beddella maalin kasta. Heshiisyadii ay wada galeen Siyaad Barre iyo Minguistu dabayaaqadii bishii Maarij 1988-kii ku maray dalka Jabuutu wuxuu ku bilaabmay codsi Siyaad Barre ka yimid oo hal u jeed lahaa, kow sidii SNM uu uga takhalusi lahaa, taa beddelkeeda uu uga tanaasuli lahaa sheegashada dhulka Soomaali Galbeed (Soomaalida Itoobiyada maanta). Waxaanu Siyaad Barre gef ku tilmaamay dagaalkii 1977 uu ku qaaday Itoobiya ee khasaaraha badani ka dhashay. Markaa dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd in Minguistu hubka ka dhigo SNM oo gudaha Soomaaliya lagu soo shubo, lagana joojiyo dhammaan wixii taageero ah. Minguistu laftiisu waxba muu dhaamin Siyaad Barre oo isna wuxuu cagaha kula jiray dagaalkii ay jabhdaha Tigreega iyo Eeratariya kula jireen maamulkiisa.
Mingusitu laba dab ayaa ku baxayey oo dhinac jabhadaha ku kacsan ah iyo dhinaca Siyaad Barre oo hoy siiyey jabhado kale oo Oromadu ka mid tahay. Minguistu dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd inuu labada dab ee ku baxayey mid iska bakhtiiyo oo uu mid keliya culayska saaro. Minguistu wuxuu wadnuhu go’ay markii lagu wargeliyey in guutooyink dhan oo ka dagaallamayey dhinaca Eeratariya ay isu-dhiibeen jabhadii Eeratariya, markaa wuxuu u baahday ciidamo u buuxiya boosaskii ay guutooyinkaasi banneeyeen. Markaasuu deg deg u saxeexay heshiiskii uu Siyaad Barre kula jiray, si uu ula soo baxo ciidamadii ka joogay gobolka Harargee oo uu ugu buuxiyo aagagii ay baneeyeen ciidamadii Eratariya ka goostay. Markaa Minguistu si uu dantiisa u fushado wuxuu heshiiskaasi ku beddeshay inuu SNM dalkiisa ka saaro oo gacanta ugu geliyo Siyaad Barre. Labadii keligood-taliye iyaga oo dhuusha ka qoslaya ayey heshiiskii ku kala tageen.
Minguistu wuu duulay, Siyaadna farxadii ayuu socdaal dhinaca dhulka ah soo maray sidii uu ugu wiirsan lahaa taageerayaasha SNM ee ku xooganaa gobolladii waqooyi (Soomaalilaan-ta maanta). Dhawr deegaan ayaa lagu soo dhaweeyey, hasayeeshee Gabiley ayaa lagaga mudaharaaday, markaasuu yidhi “ Gabiley maxaa ku dhuusay” markaasaa loogu afceliyey adigaa ku dhuusay. Rabashado iyo xabbado ayaa bilaabmay. Qosolkii heshiiskaasi muu sii waarin, xoogagii SNM oo si dhaw ula soday in iyaga loo heshiiyey, ayaa dhinacooda ka gaashaantay. Waxaanay 27/5/1988 gudaha u galeen Burco, 31/5/1988 Hargaysa iyo galbeedkeeda ayey ka hillaaceen. Siyaad Barre oo ku sugan Adiis Ababa oo ka qaybgelayey shirkii midowga Afrika ayaa dhegta loogu sheegay in Burco iyo Hargaysa ay SNM gashay oo dagaallo gudaha magaalooyinka ay ku dhexmarayaan ciidamadii xoogga. Intuu shirkii ka soo booday ayuu ku waashay “Minguistu wuu I khiyaameeyey”. Waxaanu u qaatay inuu Minguistu yidhi gudaha gala.

Heshiiskii Farmaajo iyo Abiy.

Booqashadii Raysal wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho ee saacadaha kooban ahayd iyo heshiiskii deg dega ahaa, wuxuu daaha ka rogayaa in siyaasadda isku furfurka dalalka geeska afrika ee Abiya uu wato ay Muqdisho ka curatay. Abiya dantiisu waa inuu dhul iyo bad u helo qoomiyada Oromada oo tiro ahaan si xad-dhaaf ah u kordhaysa. Danta Farmaajana waxa ay ahayd inay Itoobiya xidhiidhka taageero u jarto, kow maamul-goboleedyada Soomaaliya ee cunaha kaga ururay dawladiisa iyo tan labaad oo ah inay Itoobiya xidhiidhka dublamaasiyadeed u jarto Soomaalilaan. Oromka Abiya si duuduub ah ayuu dhammaan ku qaatay dalabkii Farmaajo. Heshiiskoodu markiiba wuu ka hirgalay dhinaca Itoobiya oo dhammaan maamul-goboleedyadii Soomaaliya ee laga xaadirin jiray Adiis muraayadaha ayaa laga dallacday.
Soomaalilaan waxa astaan u ah inuu heshiiskaasi hirgalay laba arrimood, kow weli may suurtagelin inuu madaxweyne Muuse Biixi la kulmo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo laba hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaalida Itoobiya ee socod-baradka ah oo uu Soomaalilaan barbardhigay meello aanu amaan ka jirin oo uu yidhi Soomaalilaan waxa laga soo maleegayaa falfal argagixiso. Waxa la yidhi taariikhdu dib ayey u soo noqtaa “ History repeats itself” 30 sannadood ka hor haddii ay Siyaad iyo Minguistu u heshiiyeen SNM, maantana Farmaajo iyo Abiya ayaa u heshiiyey Soomaalilaan ma u heligelin doontaa ayey su’aashu fadhidaa. Raysal wasaaraha Itoobiya oo aad loo falanqeeyey siyaasaddiisa ku dhisan deg dega bal waa la eegi doonaa inuu marka hore ka soo dabaasho kacdoonka qoomiyadaha gudaha Itoobiya ka socda. Soomaalilaan waxa u fiican inay soo dhawayso cid kasta oo dhaliilsan siyaasadda cusub ee Oromka Itoobiya wado.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan

COMMENTS
Latest News