Hangoolnews.com
Akhri:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Gaadhigii Dhashiikaha Ahaa Ee La Dhacay Iyo Ciidanka Oo Qaarkood Heegan La Galiyay
November 29, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Gaadhi noociisu yahay Toyota oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan “Dhashiikaha”  leeyahiina Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa shalayto Darewalkii wadday oo  ka tirsan Ciidanka aaga hore la goostay waxaanu la galay Xarumaha Maamul Goboleedka Putland ay gacanta ku hayso.

Xoggaha aanu helayno ayaa sheegaya in Darewalkani uu ku  talo galay in uu  iibsado Qarigan belse aan ujeed kale jirin.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii Saddexaad ee  Ciidan Milatari kaga goostaan Somaliland kuwaas oo ka soo jeeda Beesha dhexe.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Heegan la galiyay oo si guud iyo mid gaar ahaaneed-ba loo sugayo dhaqdhaqaaqooda.

Ma jirto cid  wali Ciidanka iyo Wasaaradda Difaaca ka tirsan oo arrintan ka hadashay.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News