Hangoolnews.com
 Deg Deg Akhri:- Madaxwaynaha Putland Oo Soo Gaadhay Duleedka Ceergaabo Iyo Meesha Uu Hadda Ku Sugan Yahay
November 28, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwanaha Maamul-goboleedka Putland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa soo  gaadhay meel aan waxba ka durugsanayn degmadda Ceergaabo, waxaanu yimid oo uu joogaa deegaanka Dhahar oo 220 Km ka xigta Waqooyi galbeed Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo.

Saaka ayay ahayd markii Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka soo kicitay Degmaddaasi isaga oo imika jooga Biixi Deegaanka Ceel-afwayn.

Maha markii ugu horaysay ee Gaas yimaado ama soo galo guddaha Somaliland waxaanay noqonaysaa markii Saddexaad ee uu yimaado.

Ma jirto cid ka hadashay imaatankiisa, dhinaca kale lama ogo waxaa isku beegay soo bixitaanka Muuse Biixi iyo Imaashaha Cabdiwali Gaas

 

COMMENTS
Latest News