Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayaha Somaliland Oo Sameeyay Markii Ugu Horaysay Talaabooyin Lagu Dhaliili Jiray, Kana Bilaabay Saaxil Illaa Sool
November 25, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday talaabooyin siyaasadeed oo Somaliland inta badan laga shaqayn jiray isku duubnideeda iyo wadda jirkeeda tan iyo intii uu socdaalkiisa shaqo ka bilaabay gobolka Saaxil.

Madaxwayne Biixi ayaa intii uu joogay gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sool markasta oo uu la kulmo Odoyaasha iyo Waxgaradka deegaanadaasi u samaynayay soo dhawayn ay la socoto soorayayn wacani.

Muuse Biixi ayaa safarkiisan sidda la sheegay la qorsheeyay ka hor intii aanu ka bixin Caasimada in la soo dhaweeyo Odoyaasha iyo Waxgaradka Muxtarimka ah, Xukumadduna gacanta furto siddii xukumaddahii hore ay iskugu waddi jireen bulshada mar haddii dalku yahay Curdin, waa sidda qorshaha socdaalka lagu daraye.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa deegaanada uu maray si wanaagsan u qaabilay, marka laga eegayo dhinaca wax bixinta oo xumaddahii hore uu kaga dayday imika

Talaabadan sooryaynta ah ayaa ah mid Xushmadeed ay xukumaddahii hore dhaafsan jireen dano siyaasadeed.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News