Hangoolnews.com
Akhri:- Kulankii Xalay Uu La Yeeshay Madaxwayne Biixi Odoyaasha Laasacaanood+Waxay Ka Wadda Hadleen Iyo Jawiga Saaka
November 25, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenkii xalayto ahaa oo uu u hoyday Magaalo Madaxda Gobolka Sool , halkaasi oo uu kulano kala duwan la qaatay Odoyaasha iyo waxgaradka deegaankaasi waxaanu madaxwaynahu kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu mihiimsan tahay adkayta Nabada.

Dhinaca Odoyaasha ayaa Biixi u soo bandhigay sidda Xoggo hoose noo xaqiijiyeen in wax laga qabto kaabayaasha bulshada Gobolka Sool oo uu ka muuqdo dayac badani,

Madaxwaynaha ayaa ayaa sheegay dhankiisa in sanadkan adeegyo badan oo horumarineed laga fulin doono gobolkaasi,

Saaka ayaa guud ahaan  jawigu yahay mid aad u fiican, inkasta oo bulshada ku nool halkaasi ay dareemayaan Culays Ciidan oo illaa xalayto hakad galiyay isku socodkooda.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News