Hangoolnews.com
Muuse Biixi Oo Noqday Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Beeshiisa U Magacaaba Wasaaradda Maaliyadda
November 10, 2018 - Written by Hangool News 1

Hargeysa(Hangoolnews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo goor dhawayd isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa ayaa waxa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Sacad Cali Shire ooh ore u ahaa wasiirka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.

Sacad Cali Shire ooh ore si weyn loogu dhaliili jiray wasaaradda Maaliyadda oo la sheegay inay soo oodantay intii uu joogay ayuu haddana manta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u cugtay wasaaradda Maaliyadda.

Waa markii horraysay ee taariikhda uu madaxweyne reer Somaliland ahi wasaaradda Maaliyadda u magacaabo wasiir ka soo jeeda beeshiisa taasi oo baraha bulshada ka si weyn loogu faaqidayo.

Si kastaba ha ahaatee wasiir Sacad Cali Shire oo laba wasaaradood ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa la sheegaya in ku fashilmay intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda iyada oo Madaxweyne Biixi lagu dhaliili jiray sababta uu u bedeli waayay.

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

COMMENTS
Latest News