Hangoolnews.com
MA DHABBAA IN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH LA KEENAY DEEGAANADA COLAADU KA DHACDAY EE GOBOLKA SOOL?
November 7, 2018 - Written by Hangool News 1

Hargeysa(Hangoolnews)-Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaaa waxay tibaaxayaan in Ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya la keenay magaalooyinka Saaxdheer iyo Dhumey oo ka tirsan Koofurta Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labo beeleed oo wada dega deegaanadaasi.

Ciidamada ayaa loo geeyay in ay ilaaliyaan nabad gelyada labada maleeshiyo ee dagaalamay, kuwaas oo khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba is gaadhsiiyay.

Ciidamadan ayaaa sida ay xoguhu tibaaxeen waxa diray madaxwaynaha cusub ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar,waxaanay iskugu jiraaan Liyuu Boolis Iyo Fadaraal.

Madaxda Soomaaliland  weli kama hadlin ciidamada itoobiya ee tagay Deegaanada ka tirsan Koofurta Gobalka Sool.

Waa markii u horeysay ee Somaliland la keeno ciidamo ka tirsan Itoobiya si ay nabad galyada u ilaaliyaan,waxaanay kusoo beegmaysaa xilli dhawaan dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay dagaal beeleedkaasi uu madaxwaynaha Dawlad deegaanka Somalidu uu deeq soo gaadhsiiyay deegaanada lagu dagaalamay.

 

COMMENTS
Latest News