Hangoolnews.com
DEG DEG:- WAFTI WASIIRO AH OO KA SOCDA SOMALILAND OO GAADHAY LAASCAANOOD + UJEEDADA SAFARKOODA
November 7, 2018 - Written by Hangool News 1

Hargeysa(Hangoolnews)-Wafdi balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland ayaan saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waftigan ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana  ku wehelinayey wasiiro kale oo ay kamid yihiin  Wasaarada Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo wasiirka Hawlaha guud, wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo dastuurka Somaliland iyo sidoo kale xubno kale  oo kamid ah xukuumadda.

Wafdigan ayaa sheegay in ay u socdaan sidii ay u heshiisiin lahaayeen laba beelood oo dhawaan dagaal fool xun ku dhex marey deegaanka Dhumey ee gobolka Sool .

Gudoomiyaha gobolka Sool oo Warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ay gudanayaan waajibkooda Dawladood.

Deegaanada labadan beelood dirirtu ku dhex martay waxa kusii qulqulaya mudooyinkii u danbeeyey ergooyin iskaga kala yimi deegaanada Somalidu dagto,waxaanay u socdaan in ay heshiis waara kala dhex dhigaan labadaasi beelood.

COMMENTS
Latest News