Hangoolnews.com
Weyne Tiisa Weeyoo, Waari Maayo Ruuxnaba, Wad Haddu Kudaayood, Noolaatid Waayaba
October 20, 2018 - Written by Hangool News 1

WEYNE TIISA WEEYOO,WAARI MAAYO RUUXNABA,

WAD HADDU KU DAAYOOD,NOOLAATID WAAYABA, 

WAAJIBKAAGA GUDAO,KU DAR WELIBA DHEERAD,

WANAAGAAD SAMAYSAA,WEHELKAAGA WEEYAAN,

IYO WEELKA AAKHIRO,WELIGAABA,KUU YAALE.

WAANADAIYO TALADA,WADADA KUU TILMAAMO,

WAXTAR KUU AHAADE,WADHI INAY KU RAACDIYO,

WIIRSI KAA ILAASHOO,WEECSANAHA JAHEEYSOO,

WALAALKAA RUMAADIYO,RUNTU WAAFI WEEYAN,

WADANKUNA WADAAGIYO,DADKA WADAJIRKIISU,

WAX KU NOQON KARAAYO,CADAW KAAGA WAABTA,

WARAABAHA CIYAAYAA,WID HADDAAN LA ODHANAYN,

WEERARKIISA SOO MAQAN,WAA IN LAYSKA WAABSHA,

WALWAAL SOO TAN CEELKII,,WADAAMU DUL YAALAAN,

WISHIIRIGEEDA DACAWADA,WEELKII LA DARI KARIN,

WEERARKA IYO COLAADAA,WAAYO ARAG MA CURIYEE,

WADKIISII MIDUU GALAY,AYAAN WAANO YEELAYN,

WAXASE WAALAN ODAYADA,UBADKI WANQALAYEE,

WAXOGAA KU IIBSADA,WIILASHA SOO KACAAYEEN,

WACAN HOOYADIYO,WEERKAW XIDHAY HAWEENKII,

                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

COMMENTS
Latest News