Hangoolnews.com
Anigu Ma Ihi Hogaamiye Xisbi Waxaan Ahey (Dhaliile, Tilmaame, Toosiye, Cadaalad Doone) Cismaan Cumar Dool
October 20, 2018 - Written by Hangool News 1

Boqol goor baan idiin sheegay ee Aniga iyo Cirro ha isku kaaya khaldina

Oo aniga Faysal Cali Waraabe ha isku kaaya khaldina..

Anigu ma ihi Hogaamiye Xisbi waxaan ahey (Dhaliile, Tilmaame, Toosiye, Cadaalad doone). Ok… Markaa yaa ii diidaya in aan dhinac kasta ku dhaliilo wixii khaldan. Yaa ii diidaya in Dhinac kasta ku dhiiri geliyo wixii saxa.

Yaa ii diidaya in sheego wixii aan u arko in lagu lugo’aayo.
Tusaale:.
1.Garxajiska yaa kelidood u xilsaaray inay Muuse Biixi Mucaarad ku noqdaan?.

2. Ninkii Garxajis ee kasta ee dawlad u shaqeeya ma Garac bilaa damiiraba, miyaanu jirin mid qudha oo degaankiisa wixii ka maqan u raadin karaa?.

3. Xisbiyada Garxajisku Gudoomiyayaasha ka yihiin.
A. Ma Garxajis uunbaa iska leh miyaan cid kale oo Somalilandta kale ahi kula shuraakoobi karin sida Kulmiyaba shuraakada loogu yahay?
B. Ma waxaa iska leh oo ka taliya uun Jilibyada ay ka soo jeedaan nimanka ka Gudoomiyaasha ahi?.Miyaanay la laheyn Garxajiskii codkooda ku soo saaray?.
C. Ugu danbeyn ma waxaa iska leh labada nin ee ka Gudoomiyaasha ah? (Haa labadaas ayaa iska leh waa laba NGO, midkoodna ma rabo inuu Madaxweyne noqdo, midkoodna ma rabo in Wadanku yeesho mucaarad challenge gareeya Kulmiye). That is way ay dadkii tageerayay u asqoobeen ee ay u noqdeen qaar quustay oo aamusay iyo qaar kun meelood ku Tuwaysaaya!!!.

Shame on Cirro 48% cod ayuu helay maantana 10% ma haysto. 3 goor ayaan u dhoofay waxbana kama hayo. !!!!!

Waar kun wax baa khaldan ee aniga ha iigu soo tala gelina in aan cidla uun ka qayliyo oo aan dad Islaama oo tashaday uun dhakada ka fuushanaado!!!!!!

 

COMMENTS
Latest News