Hangoolnews.com
Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Wufuuddii ka ka Qaybgashay Shirweynihii lagu Qabtay Hargeysa
October 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay ergadii ka soo qayb gashay shirkii dib u eegista siyaasadda arrimaha dibadda ee lagu soo gabogabeeyey   Hargaysa.

Ergadani oo ka kala socday dalal badan ayaa si weyn ugala shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qaabkii loo sii dar-dar gelin lahaa Siyaasadda arrimaha dibadda iyo ictiraad raadinta Somaliland.

Wasiirka arrimha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ergadani kusoo dhaweeyay martiqaadka  madaxweynuhu u fidiyey, ayaa  sheegay in Somaliland ay abaal  u hayso ergadan iyo dalalka ay ka yimaadeenba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen.

 

Ugu danbayna ergadani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kulankaas uu u sameeyey   u sameeyey wufuudda  kala duwan, waxaanay sheegeen inay ka makhraati kici doonaan horumarka  ay Jamhuuriyadda Somaliland ku soo arkeen, oo ay tahay in ay wax bartaan dalalka Afrika.

COMMENTS
Latest News