Hangoolnews.com
Waddooyinka Soo Gala Madaxtooyada Somaliland Oo Saaka Xidhan Iyo Iyo Sababta Loo Xidhay
October 11, 2018 - Written by Hangool News 1

Hargiesa(Hangoolnews)-Shacabka magaalada Hargeysa ayaa saaka ku waabaristey inta badan waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyada Somaliland oo xidhan.

Sababta wadooyinka loo xidhay ayaa ah iyada oo maanta madaxtooyada Somaliland lagu qaban doono xaflad loogu dabaal degaayo Ballaadhinta ay dekadda Berbera ku sameyn doonto shirkada Dp World taas oo uu shalay soo dhagax dhigay madaxweyne ku xigeenku Somaliland.

Waxaana xafldan ka qeyb-gali doona masuulyiin kala duwan oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madax ka tirsan shirkadda DP World.

COMMENTS
Latest News