Hangoolnews.com
Sidee Baanu Isku Soo Galnay M/weyne Bixi…. Ma Anigaa Doontay Mise Isagaa I Soo Doontay?!!!!
October 10, 2018 - Written by Hangool News 1

 

Gabayga Doqon-dila ee uu tiriyay Jamaal Cali Xuseen, wuxu i xasuusiyay sidii aanu isku soo galay m/weynaha; iyadoo xaaladdiisu adag tahay oo ay eryanayaan wasiirkii maaliyadda iyo kii madaxtooyada ayuu maalin maalin maalmaha ka mid ah iga soo wacay telefanka; waa markii u horryasay ee aan telefan ka wada hadallo; maxaa yeelay waxaba fara ku tiris ahaa inta jeer ee aanu fool ka fool u wada hadalay; ku ye waa Muse, dee telefonkaagii ayaa igu noqday xaar mas, wuxu leeyahay lama heli karo ama wuu xidhan yahay; waan kuu baahnaa, ma is arki karnaa; anna haa idhi; ku ye halkaad tidhaa iigu kaalay anigaa kuugu imanaya; anna idhi mayee anigaa kuu imanaya guddoomiye; waayahay ee habeen danbe guriga iigu kaalay; u tegay; si fiican ayuu ii soo dhaweeyay; ku ye waxan rabay in aad ila shaqayso; rajadayduna ma xuma immika oo arrinkii wuu is qor-qorayaa; garoo waa Gudoomiyanimadii laga hortaagnaa; aniguna ka aqbalay in aanan waxba ka la hadhin;

Dhinaca kale, waxa uu iiga mahad celiyay in aan difaacay isaga mar Siilaanyo noo yeedhay; runtiina isagaan la jiray xagga niyadda marka horeba; waana arrinta uu soo xansaday; ee uu iigu yeedhay; wuxu markiiba telefan u diray Mubarak; wuxu ku yidhi waxa ila joogaa Professorkii (maalmihi guushu soo dhawaatay, professor iyo waxaasi may jirin), isaguna wuxu ugu jawaabay waa macallinkaygii; ku ye, dee waa aqoonyahankiinii , waxan rabaa in aad wada shaqaysaan; waa kan ee la hadal; haa waar Mubaarik ii warran iyo kheyr iyo xaggee isagu nimaaadan iyo halkaas iyo habeenkaas, isu nimi, haba ka qaban!!! dee waa tii la ogaa!!!

Wuxu yidhi gabaygu:
Doqonkaad daryeeshee intuu docdaadii gacan dabacsan soo biday, adna aad dadaalkii waxaad duunyo haysay, darkii iyo wadaantii daacadnimo ku siisee, dabadeed ka sii daray; markii u dibirayee, doogii iyo xareedii, xoolhiina daaqsaday; daryeel kale ha joogee,dardartii iyo awoodii inuu iigu dul tuuroo, iigu daro qaniinyana, damiirkiisu siiye, danbigaasi iga galay!!!

COMMENTS
Latest News