Hangoolnews.com
Deg Deg Akhri:- Sababta Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay Safar Uu Ku Tagi Lahaa Barbara Maanta Iyo Masuuliyiin Kale Oo Imika La Diro
October 10, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka baaqday Safar shaqo oo uu ku tagi lahaa magaalada Barbara taas oo ujeedkiisu ahaa in uu soo dhagax dhigo Dakadda Cusub ee ay dhismaheeda bilaabaysa shirkadda D.P.World ee Imaaraatiga ah,

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee nagaysay Madaxwayne Biixi balse waxa wararku sheegayaan in barqada ay baxayaan Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”

Hangoolnews oo isku dayay in uu ogaado sababta keentay in Biixi aanu ka qayb galin dhagax dhiga Mushruucaasi dhismaha dakadda ayaa illo xogogaal ahi u sheegeen in Xafalad qiimo badan loogu samaynayo Wafiga Imaaraatiga ah Madaxtooyada taasina ay keentay in Madaxwaynahu halkan joogo,

Xoggaha ayaa sheegaya in markii hore qorshahu ahaa in Madaxwaynaha lagu qaado diyaaradda Imaaraatku leedahay soona laba jeer noqo si xafladan Hargaysa ugu qayb gallo,

Hangoolnews kala soco waxii warar ah

COMMENTS
Latest News