Hangoolnews.com
Akhri:- Guddidii Beesha Garxajis Oo Muuse Biixi La Kulantay, Qarashka La Siiyay Iyo Qaar Madaxtooyadda Loo Diiday
October 10, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi ayaa todobaadkan gudihiisa qaabilay Guddidii Beesha Garxajis.

Madaxwaynaha ayaa intii aanu qaabilin Guddidani ka dalbay is af-garasho kulan ka dib in  aanay soo raacin qaar ka mid ah guddidaasi,

Waxaana xoggaha Hangoolnews helay ay sheegayaan in Madaxtooyadu dalbatay in Guddida laga reebbo qaar ka mid ah Guddidaasi.

Shaqsiyaadka laga reebay Guddidani ayaa  kala ah

Boqor Faysal, Boqor Raabi, iyo Suldaan Cismaan Cali Madar.

Waxaana Madaxtooyadu arrinkaasi ugu sababaysay sidda xoggahu sheegayaan inta ay la kulantay in ay yihiin Salaadiintaasi qaar aan dabacsanayn oo ku adag Mab’da’a Beesha Garxajis isla markaasina dhaliila xukumadda,

Salaadiintan ayaa la siiyay markii ay la kulmeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland qadar lacag ah oo u dhaxaysa sidda Xogtu sheegayso Toban kun illa Shan iyo Toban kun oo Doolar.

Dhinaca kale waxaa khilaaf soo kala dhex galay Guddidaasi oo markii ay ogaadeen Salaadiinta la reebay  ay ku tilmaameen inta kale in ay ku Wacad-fureen Go,aankii Beesha Garxajis ee ahaa in wax walba oo guddidu ku talaabsanayso la wadda ogaado.

Xogtu ayaa sheegaysa in ay si wanaagan isku fahmeen Suldaan Caddo-gude oo ah Guddoomiyaha Guddidaasi iyo dhinacii  uu hogaaminayay Madaxwayne Muuse Biixi.

Waxii Warar ah kala soco Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News