Hangoolnews.com
Somaliland maaha kaliya meel Qolyo Gaar ahi uun M.wayne ka Noqon karaan inta aan la waayin Dad kala duwan oo Hanle
October 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Somaliland waa meel ay Suuragal tahay inuu Qofkastaa u Tartamo kursiga Dalka u Sareeya kuna Guulaysan karo hadii uu la yimaad Hankii iyo Hanaankii looga baahnaa.

Maalina Qalbigayga kamay bixin inaan gaadhi karo hanka igu jira ee ah inaan maalin gaadho Hogaanka Dalka ugu sareeya hadii aan Koriyo Aragtidii iyo Arinkii Halkaa i Gaadhsiin lahayd.

Waayo waxan ogahay Dadnimada iyo Dunwanaaga Dadkayga Somaliland oo ka Fog waxa ay ka Fishaan Kuwa ay biyo dhigtay Fulaynimada wayn ee ay ka qabaan Kartidooda iyo Tartanka Furan Fahmina kari waayay Habka iyo Sida ay Shacabkooda ku kasban karaan.

Waxan M.wayne Noqon karaa anoon isku halayn Qolo iyo Deegaan Gaara hadii aan Fahmo Dareenka iyo Doonista Shacabka.

Waxan haystaa Tusaalayaal Tagay kuwo Raadkoodu sii qoyan yahay iyo kuwo hada taagan oo Dhiiri galin u ah Hanka igu jira oo kuwaas oo Suurtogal ka dhigay wixii Dadbadani lahaayeen maaha Suuragal oo ka dhacay meelo kala duwan oo Dunida ah.

Hoo Tusaalahan Nool Dadbadan ayaa lahaa Somaliyada aan jaarka nahay Hawiye oo Abgaala iyo Darood oo Majeerteena mooyiye Cidkale Suuragal uma aha inay M.wayne Noqoto balse waxa Gidaarkaa Jabiyay Farmaajo oo mareexan ah iyo Fariidadii Siday ee Fahmay In Aanu Jirin Darbi aan la jabin karin ee kasoo kala jeeday dhamaan Dadka Somaliga ku hadla iyo Qadarkii Rabi ee u Rumeeyay.

Sidoo kale waxa Laba sano kasii maqan Aqalka Cad ee laga Xukumo Dalka ugu Awooda iyo dhaqaalaha Badan Dunida maanta Obama oo kasoo jeeday Dadka madaw ee kamidka ah Dadka laga Tirada badan yahay kasoo meesha ka Tiray Halku dhigii ahaa “Ninka Madoobi meelfog ma gaadho”

Maxaad u malayn anoo kasoo jeeda Dad Goba oo isku Dana iskuna wada ehela oo oo is gargaara Ilaahay Idankii iyo Anoo Isgaba iyagana gaba mooyaane waa ku kalsoonahay.

FG: Cilada kaliya ee Dadkeenu leeyahay waa inayna Hore u aqoonsan Qofka wax isbida ee Wax la yimaad iyo inaanay Hore ukala fahmin Dadka badan ee is garab boodaya Tani waxa keenayaa waa Jirabkii(#Doodii iyo #Qiimayntii) lagu kala saari lahaa Raga oo aan daynay.

Ilaahaw Shacabkayga Bogiisa Burcad isku mari Badhaadhe iyo Barkhadna ku Galad.

La Soco qayb kale.

COMMENTS
Latest News