Hangoolnews.com
Akhri:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xalay Iyo Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Uu Ceergaabo Ka Dagay Taliyaha Ciidanka Milatarigu
October 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Habeenimadii xalayto ayaa weerar lagu qaaday guriga la dajiyay Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Gurigan uu dagan yahay ayaa lagu soo weeraray hubka loo yaqaan “Seven” ama Baasuuke, oo ah hub culus waxaana wararku ay sheegayaan in aan wax dhib ah la gaadhiisiin Taliyaha iyo Ciidankiisii illaalinayay halka ay waxyeelo soo gaadhay guriga,

Ciidanka Booliska degmadda Ceergaabo ayaa illaa toboneeyo qof u xidh-xidhay arrinkan.

Wali ma jirto cid masuula oo Gobolka iyo kan Degmadda Ceergaabo ka tirsan oo ka hadashay weerarkan lagu qaaday xalayto Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland.

Dhinaca kale saraakiisha ciidanka Milatariga aagaasi ayaa dhankooda ka hadal cida ka dambaysay weerarkan

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News