Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Wadda Qorshe Shahaado Qaran Lagu Siinayo Mid Ka Mid Golahiisa Wasiiradda
October 9, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in dhamaanka sanadkan uu qiimayn ku samayn doono golahiisa wasiiradda waxana sidda wararku sheegayaan laga yaabaa in uu Shahaado Qaran siiyo  wasiirka ugu waxqabadka fiican golahiisa wasiiradda.

Taas oo uu ugu tallo galay in ay dhiirigalin u noqoto masuulka wasaaraddii loo dhiibay ku sameeyay isbadal, halka talaabdan looga gol leeyahay in inta kalena ay ku daydaan masuulka la siiyay shahaada qaran.

Hadaba wararka aad ugu dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in sanadkan la siin doono shahaado qaran Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo bulshada dalku intooda badani ka marag kacday in uu dardar galiyay dhanka wax soo saarka isagoo sameeyay in dhamaan goobaha Seerayaasha dowladda uu ka beerro Sarac halka deegaano badana ka wasaarad ahaan ay u qodeen beerahoodii.

Talaabadan ayaa la saadalinayaa in ay noqoto mid sanad walba lagu qiimeeyo wasiirka ugu shaqada wanaagsan golaha xukumadd Muuse Biixi inta uu xilka hayo Madaxwaynahu.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News