Hangoolnews.com
Waxqabadkii Mucjisada Ahaa Ee Cid Sheegata Waayay
October 7, 2018 - Written by Hangool

Guul Darada Ku Dhacday Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waa Inay Sheegan Kari Weyday Dedaalkii Mucjisada Ahaa Ee Ay Ku Bixisay Dhismaha Qaranka.

Masuulka Hawl Loo Dirayaa Wuxuu Asalkiisaba Ka Yimiday Bulshada,Bulshaduna Ma Wada Ahaan Karaan Dad Dhammaanba Hab-Dhaqan Wanaagsan,Daacad Ah Oo Wada Ceeb Ka Saliim Lagu Tilmaansan Karo, Balse Waa Hubaal Inay Ku Jirayaan,Shakh Siyaad Xun Oo Qaran-Nimada Dhaawacaya,Hoggaamiyihii Hawsha U Dirtayna Magaciisa Dilaya,Waayo Xulashada Masuulka Ka Mid Noqonaya Xukuumad, Ee Madaxweynuhu Shaqada U Dirtaa Awalan Waa Inuu Yahay Muwaadin Xaq U Leh, Ka Sokow Intaasna Waxay Ku Timaadaa Heer Aqooneed+Lagu Daray Hab-Beeleed, Balse Hab Dhaqankiisa Gaarka

Ah, Xumo Iyo Wanaag, Intuu Galo Intuu Gudo,Ta Uu Maanka Ku Hayo, Inta Laabta Ku Qarsoon,Cidda Ay Is Qardoofeen, Inta Uu U Ciil Qabo,Inuu Yahay Qof Aamin Ah,Tuug Ilaahay Ka Go’ay, Ama Tuugad Ilaahay Ka Go’day,Madaxweynuhu Ma Garan Karo, Gurigiisa Kuma Korin, Ee Allaha Caalimaa Garan,Waxase Lagu Xaqiijiyaa Dhaar.

Sidaasi Awgeed Xukuumad Kasta Oo Timaada Nooc Waliba Wuu Ku Jirayaa Ku Xun Iyo Mid Wanaagsan,Ee Inagoon Tirsanaynin Haddii Uu Jiray Shakhsi Hawshii Qarankee Loo Diray Ka Hor Mariyay Tiisa Gaarka Ah,Isla Markaana Eegayna Qiimaynta Guud Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Intii Wanaagsanayd Ee Xubnihii Xukuumadiisa 7dii Sanadood Ee Ay Xilka Haysay.

Waxay Ahayd Tii Ugu Waxqabadka Badnayd Intii Somaliland Jirtay Xukuumadii Uu Hogaaminyay Mudane Axmed M Siilaanyo.

Wax Badan Oo Aan Tiro Koob Lahayn Oo Xukuumadii Ka Horraysay Ku Fashilantay, Hagrasho Iyo Aqoon Darro Kay Doontoba Ha Ka Noqotee Ayay Ku Guulaysatay Oo Taariikhda Galay,Gelina Doona Weligeed.

Hase Ahaatee Guul Darada Ku Dhacday Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waa Inay Sheegan Kari Weyday Oo Umadda Usoo Bandhigi Kari Wayday Wixii Ay Tacabka Iyo Dedaalka Mucjisada Ah Ku Bixisay Raadkoodiina Maanta Ka Muuqdo Dhammaan Gobolada,Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Dalka Meel Kasta Iyo Hay’ad Kasta Oo Dawladeed Iyo Sidoo Kale Kobcinta Nolosha Mujtamaca.

Waxaan Qabaa Hadii Ay Kow Iyo Laba Bulshada U Horkeeni Laheed

In Dacowgii Dugsan Jiray Guul Darada, Ee Maalin-Dagaalka Ka Jeclaa Dalka Iyo Dadkiisaba Aanu Ka Daba Ciyeen Maanta.

Goob Kastana Waxa Looga Taagi Lahaa taallooyin Xusuus Qaran

golaha wasiirada xukumadda siilaayo

abdinacfi2013@gmail.com

COMMENTS
Latest News