Hangoolnews.com
Bulshada Gabilay Maxay Sugaysaa?
October 6, 2018 - Written by Hangool News 1
eebe baa mahad leh ii suuro galyay inaan qaato qalinka iguna sugay nimco qarsoon iyo tu muuqataba intaa ka bacdi maqaalkan waxan ugu talo galay inaan ku dareensiiyo waxyaabo badan dibna aan boodhka uga jafno dhaliilo dul  hoganaya bulshada ka so jeeda gobolkaa wa dad sharaf cisi iyo karaamo ku leh gayiga somaliland kaaso angu aan ka soo jeedo waa bulshada gobolka gabilay
 bulshadu waxay ka mid tahay bulshada leh aqoonyahanka ugu tiroda badan somaliland  ganacsiga iyo dhalinyrada ugu badan wadanka kaalmaha hore ayay kaga jiraan waxbrashda iyo kaalinta beeraha xaga

hore ayay kaga jirtaa tusaale ahaan hadaad eegto maanta macalimiinta ugu badan hargiesa borama iyo gabilay waxay ay ka soo jeedan reer gabilay shaqaalaha dawlada hadaad eegto dhalinyar tiro badan ayaa ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee dawlada mida ugu xusida mudan ayaa ah in dadka ku abtrisada gabilay waxay ay ugu badanyihiin saraakiisha ciidamada haday noqoto milataryga iyo booliska halgankii SNM haday noqoto mujaahidin badan ayaa ka shahiiday qaar badana waa  noolyihiin haday noqoto dhinaca suuganta abwaano badan kuwo hore iyo danbeba oo maanta meeqaam sare kaga jirana wayna jiraan oo  waa caan cid waliba taqaano
isu soo wada dar waxaaso dhan ayada oo ay jiraan waxyaabo kale oo an hada ka tagay hadana dhaliilaha jira waxaa ka mida dhalinyrada wax baratay ma ahan kuwo midaysan oo isu duuban waxay noqdeen qaar ku milmay dhalinyaro kale waxay ilaabeen xaqii iyo  xuquudii uu ku lahaa gobolku haday noqoto horumarinta caafimaadka  waxbrashada iyo alkumida ilo dhaqaale oo dadku manaafacaadsadaan sida huteelo iyo meherado casriya gobolku ma leh siyaasi ilbax ah oo hankiisu sareeyo sida in uun talada wadanka lagu aamimo oo xaqa gobolka dadka dhacsaday u soo dhiciya sida inay noqoto gobol dhamystiran oo iskeed u maamusha dhaqaalaha tirada badan ee ka soo baxa una soo baxa wadanka intiisa kale   mana hayno imika ifafaloyin isaso taraya oo ku saabsan siyaasiyiin u so kacaya gobolka iyo dadkiisa haday jirtana waa xabad xabad aqoonyanka ka shaqysta hargiesa marnaba kuma fikirin gabilay waxay inoo jirtaa 45 km inta u tago bal aqonta inuu wax uun uga faaideeyo ganacsaduhu kumuu fakarin bal inuu ganacsi ka furo si dadka reer somaliland u soo jiito bilicda magaaladuna u noqoto mid heer sare ah waxaa jira dad badan oo aan waxba haysan aan awoodin quutal daruuri oo ku nool miiyada isla markaana u dhaw gabilay lagumna fikirin in loo raadiyo ama la gaadhsiyo waxbrashayo tayo leh
qurba joogtu maaha kuwo isu xidhan si ay uga qayb qataan hormarka gobolka maaha dad gacan qabta kooda tabaalysan kana haqab tira baahiyaha ku gadaaman
bulashooy ha laga kaco fadhiga aamusnidu waa ta ina muquurisay
feejignaan
qoraalkani marnaba ma dhiiri galinyo qabyaalada
abdialiccm@gmail.com
hargiesa somaliland
health worker
social  activist and social consultant
independent researcher

 

COMMENTS
Latest News