Hangoolnews.com
Madax Ka Socota Jabhadda Oramada Ee OLF Oo Maanta Gaaray Addis Ababa
September 16, 2018 - Written by Hangool News 1

Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa gaaray madaxda Jabhadda Oromada ee OLF loo soo gaabiyo.

Wafddigani ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha jabhaddaas oo muddo dheer dagaal kula jirta dowlada Itoobiya.

Wafdigga ayaa waxa ay isugu jireen golaha dhexe OLF iyo guddiga fulinta ee jabhadaasi.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeysay wasiir dowlaaha wasaarada arrimaha dibadda ee xukuumadda Itoobiya.

Gudoomiyaha jabhada xoreynta Oramia ee OLF Dawud Ibsa Ayana oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka ayaa sheegay in dib u soo laabashadoo ay la xiriirto isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay.

Waxaa uu intaa ku daray in waxyaabaha ku dhiirigaliyay islamarkana ay ku qanceen ay ka mid tahay xukuumadda uu hogaamiyo Dr Abey Ahmed ee dhalinyarada ka kooban islamarkana isbadal doonka ah.

Gudoomiyaha jabhada xoreynta Oramiya ee OLF Dawud Ibsa Ayana oo wax laga waydiiyay waxa uu qorshahooda yahay ayaa sheegay in ay galayaan halgan ku dhisan wadahadalo iyo in halgamayaashooda la xareeyo islamarkana la baro anshaxa dowladnimo.

COMMENTS
Latest News