Hangoolnews.com
Akhri/Daawo:- Dugsiyadda Sarre Salaama ee Magaalada Hargaysa oo Kaalin Sarre ka Galay Imtaxaanka Shahaadiga ah Somaliland
September 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews;- Dugsiyadda Sarre ee Salaama ayaa Ardayda dhigataa ay ka galeen Imtaxaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sarre oo maanta lagu dhaqaaway waxaana ay ardayda wax ka barata Dugsiyada Salaama ay muujiyeen dadaalkii wax waxbarsho ee galiyay iyaga oo ka mid noqday 10 Arday ee ugu horeeya somaliland,

Ma aha markii ugu horeysay ee ay ardayda salaama ay galaan kaalmaha ugu horeeya dalka waxaana ay si joogto ah ugu mid noqdaan tobonka ugu sareeya dalka.

Maamulaha guud ee Dugsiyada Salaama Mudane Jaamac Biixi oo ka hadlay natiijada farxada leh ee ay gaadheen ardaydaasi ayaa aad ugu mahad-naqay Ardayda, Waalidiinta iyo Macalimiinta waxaanu sheegay marka laga tago doorka ay kaga jiraan kaalmaha sarre in ay jirto Arday helay waxbarsho dibaddeed oo deeq waxbarsho ah.

Maamulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dugsiyada Salaama ay xooga saaraan sidii ay markasta kor ugu qaadi lahaayeen waxbarshada, una heli-lahaayeen waxbarsho dibaddeed

Halkan ka Daawo:-

COMMENTS
Latest News