Hangoolnews.com
Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Degmada Jalalaqsi Lagula Beegsaday Ciidamada Jabuuti
August 24, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Ciidamada waddanka Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxa lala eegtay qarax xooggan kaasi oo ka dhacay degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo la kacday kolanyo ka tirsan ciidamada Jabuuti oo halkaasi marayay waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Saraakiisha maamulka gobolka hiiraan ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo jabuutiyaan ah halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaadhay goobta qaraxa uu ku haleelay ciidamada Jabuuti si ay gar gaar ugu fidiyaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Taliska ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya iyo weliba maamulka gobolka Hiiraan.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxyo horay uga dhacay isla waddadan ciidamada Jabuuti lagula beegsaday qaraxa.

COMMENTS
Latest News