Hangoolnews.com
Itoobiya: Madaxii Shirkadda Korantada Oo Xilkii Laga Xayuubiyay
August 24, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Wararka ka imanaya Xarunta looga arrimiyo dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa ay sheegayaan in xilkii laga xayuubiyay madaxii shirkadda Korontada Itoobiya (Ethiopian Electric Power) taasi oo ahayd gabadh lagu magacaabi jiray Zeb Asnake waxaana lagu badelay Nin la yidhaahdo Abraham Belay.

Gabadhan jagada laga tuuray ayaan habayaraatee la sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday.

Raiisalwasaare Abiye Axmed ayaa u muuqda mid dhammaan meesha ka saaraya raadadkii   jabhadda TPLF ay kaga tagtay nidaamka Itoobiya ku dhawaad 30 kii sano ee ay talada Itoobiya gacanta ku hayeen.

Waxaa uu hore xilalkii uga qaaday taliyayaashii ciidamada iyo Sirdoonka waxaana qaarkood uu amar ku bixiyay in lasoo xidho.

COMMENTS
Latest News